Mareykanka Oo Soo Fara-geliyay Xiisada U Dhexeeysa Soomaaliya Iyo Kenya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magaalada New York ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay fara-gelisay xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa xusay in Mareykanka uu doonayo in labada dhinac uu wada-hadal la yeesho, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dowladda ay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Maxamed ayaa tilmaamay in Magaalada New York uu kulan kula qaadan doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo xubno ka tirsan Golaha Ammaanka QM.