Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markab nooca dagaalka ah u soo direen Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo USS Hershel Woody, waxaana la sheegay in 24-kii Saacadood oo la soo dhaafay uu soo gaadhay Biyaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Pentagon-ka, Saldhigga Expeditionary Sea Base USS Hershel “Woody” Williams wuxuu “hawlgallo badeed ka wadaa xeebta Soomaaliya” si “Ciidanka Maraykanka ee Sugnaa Soomaaliya Loogu Qaado meelo kale oo Bariga Afrika ah,” ayuu afhayeenka AFRICOM Kelly Cahalan u sheegay VOA isagoo ku sugan. iimayl Howlgalka ayaa loogu magac daray Howlgalka Octave Quartz.

Markabkani Ayaa Horay Ugu Sugnaa Inta U Dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga Kadib Xiisadooda Labada Dhinac ee Bilahii Ugu danbeeyey Ka Dhex taagnaa,waxaa uu hada Soo gaadhey Xeebaha Soomaaliya Sida Waaxda Difaaca Maraykanka ee Afrika Sheegtay.

Markabkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka qeyb ka qaadan doono sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen Ciidanka Mareykanka ee Ciidamada dowladda ka taageera dagalka lagula jiro Al-Shabaab.

Amarka Trump ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu soo jiido ciidamada Mareykanka guud ahaan, oo ay ku jiraan Afghanistan iyo Iraq, ka hor inta uusan xafiiska ka tagin 20-ka Janaayo.

Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee loo yaqaano (AFRCIOM) ayaa waxaa ay sheegeen in saddexda Todobaad ee soo socota gudahood Ciidamada Mareykanka laga daad gureyn doono Soomaaliya.

Qorshahaan Ciidamada mareykanka ka jooga Soomaaliya lagu qaadayo ayaa waxaa horay u shaaciyay Waaxda Difaaca Mareykanka, kadib Amar kasoo baxay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 700 Askari oo gacan ka geysta la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale tababaro siiya Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo mararka qaar howlgallo gaar ah fuliya.

Ciidanka AMISOM Ayaa walaac ka Muujiyey Inay Isku diyaarinayaan Inay gaadhaan halka Ciidamada Maraykanka Ay ka Baxayaan Si Ay U Buuxiyaan Booskaasi Banaananaya Soomaaliya oo Khatar Ku Ah Amaanka,Wakhti Muran Xiisad Ay dalka ka Jirto oo Salka Ku haysa Arimaha Doorashada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay horraantii sannadkan Soomaaliya Gaar Ahaan Puntland oo ka Tageeraan Ciidanka PIS . Laga soo bilaabo bishii hore, ciidamada Mareykanka waxay kusii nagaadeen caasimada Muqdisho, magaalada dekedda leh ee Kismaayo iyo saldhigga cirka ee Baledogle, oo 96 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ayaa ku sheegtay warbixin aan la saxiixin 4-tii bishii Diseembar in tiro aan la cayimin oo ka mid ah ciidamada Mareykanka loo wareejin doono dalalka deriska ah, halka kuwa kalena dib u dejin loogu sameyn doono meel ka baxsan bariga Afrika.

Dhexnimo  Media