Manchester United ayaa dhibaato kale dhexda ka gashay kadib markii loo sheegay in daafacooda Harry Maguire uu garoomada ka maqnaan karo muddo 4 isbuuc ah, waxeyna sii xumeyneysaa xaaladda guud ee kooxda.

Daafaca ugu qaalisan kubadda cagta ayaa dhaawac la kulmay qeybta hore kulankii ay barbaraha gool la’aanta ah la dhaafi waayeen Wolves, balse wuxuu ciyaaray 90-daqiiqo.

Harry Maguire kama soo muuqan kulankii Manchester Derby ee ka dhacay Old Trafford iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu ka dhawaajiyay inta uu maqnaan karo xiddiga reer England.

Waxaa laa xaqiijiyay in Harry Maguire uu la kulmay dhaawac dhanka muruqa sinta, jeexdin yar ayaa soo gaartay taasoo ka dhigan inuu kulamo badan seegi doono.