Waxaa caawa la ciyaaray kullamo ka tirsan wareega saddexaad ee tartanka FA Cup-ka, iyadoo kooxihii ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Manchester United, Manchester Cty iyo Leicester City.
Kooxda Manchester Cty ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Port Vale, waxayna kaga adkaatay 4-1, Oleksandr Zinchenko, Sergio Aguero, Phil Foden iyo Taylor Harwood-Bellis ayaa u kala dhaliyay goolasha Sky Blues, waxayna City u gudubtay wareega afaraad ee tartankan.
Dhinaca kale Leicester City ayaa kaga adkaatay kooxda Wigan Athletic 2-0, naadiga lagu naaneyso Dawacooyinka ayaa waxay goolasheeda kaga mahad celineysaa xiddigaha kala ah Tom Pearce iyo Harvey Barnes, Leicester ayaa dhankeeda u gudubtay wareega afaraad.
Sidoo kale kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa taako u dhigtay dhigeeda Manchester United, kaddib markii ay ku kala baeen barbaro 0-0 ah iyadoo labada kooxood ay ciyaari doonaan kulan ku celis ah ee wareegan saddexaad tartankan FA Cup-ka.
Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray tartanka FA Cup:
AFC Bournemouth 4 – 0 Luton Town
Fleetwood Town 1 – 2 Portsmouth
Leicester City 2 – 0 Wigan Athletic
Manchester City 4 – 1 Port Vale
Wolverhampton Wanderers 0 – 0 Manchester United.