Madaxweynaha dalka Tanzaaniya John Magufuli , ayaa laga soo qaaday Sawir hadal heyn badan abuuray xili uu Qasriga Madaxtooyada Tanzaaniya kusoo dhaweenayay siyaasi kamid ah Mucaaradka Tanzaaniya.
Madaxtooyada Tanzaaniya ayaa sawirkan usoo bandhigtay Warbaahinta, waxaana la arkayay Madaxweyme John Magafuli iyo siyaasi Macalin Seif Shariif Axmed oo labada lug isku salamaya badalkii ay gacmaha isku salaami lahaayeen.
Warbaahinta Tanzaaniya ayaa ku warantay in Madaxweynaha uu doorbiday inuu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka ay shaaca ka qaaday wasaaradda caafimaadka dalkaas ee looga hortaggayo caabuqa Corona.
Cudurka Caronavirus oo ku faafaya caalamka ayaa keenay in dadku kala shakiyaan, waxaana hada la shaaciyay in cudurkaasi uu soo gaaray Qaarada Afrika laguna arkay dad qaba caabuqa Caronavirus dhoor Wadan oo Afrika kuyaala.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/ Hargeysa
Info@dhexnimomedia.com