Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro , ayaa wali kasoo horjeeda in halis yahay caabuqa Caronavirus oo kumanaan dad ah ku laayay daafaha dunida sidoo kale ku dhacay dad ka badan labo milyan oo qof.
Jair Bolsonaro , ayaa kasoo horjeeda talooyinka caafimaad ee bixinayaan dhaqaatiirta caalamka ee ku aadan in dadku aysan isku imaan sidoo kale la xirto afka lana gashto gacmaha faragashi .
Madaxweynaha dalka Brazil ayaa si deg deg ah shaqada uga ceyriyay Wasiirka caafimaadka dalkaasi Luiz Henrique Mandetta, kadib markii Wasiirka ugu baaqay shacabka in ay qaataan talooyinka caafimaad ayna isku soo dhawaanin si aysan cudurka u kala qaadin.
“Waan u mahadcelinayaa dhammaan kooxda igala shaqeyneysay wasaaradda caafimaadka. Waxaan Alle ka baryayaa inuu guul gaarsiiyoo dalkeena.” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka ee shaqada laga ceyriyay.
Madaxweynaha dalka Brazil ayaan aaminsaneyn qatarta uu leeyahya cudurka Caronavirus ee dunida aafeeyay, wuxuuna rumeesan yahay Madaxweynahan in Caronavirus uusan halis aheyn uuna yahay hergeb iska yar.
Xafiiska