Madaxweynaha dalka Poland  Andrzej Duda laga helay xanuunka caalamka ku faafay ee Coronavirus sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Madaxweyne Duda oo 43 sanno jir ah ayaa baadhitaan lagu sameeyay waxaa la xaqiijay inuu hayo xanuunka Karona

War laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu is karantiili doono maalmaha soo socda xaaladiisana ay hagaag santahay.

Dalka Poland waxaa uu ka mid yahay dalalka uu sida daran u aafeeyey xanuunka Karoona waxaana shalay oo kaliya laga helay in ka badan 13 kun oo qof oo cudurkaas uu soo ritay.