Madaxweyne Al Sisi oo magaalada Sirte ku tilmaamay khad cas kuna goodiyay in ay
Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi oo khudbad ka jeediyay telefishinka Qaranka dalkaasi ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Liibiya ee u dhaxeeyay ciidamada ay taageeraan ee Khalifa Haftar hogaamiyo iyo ciidamada dowlada Liibiya.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Masar in ay qaadayaan talaabo milatari ee ku taageerayaan Jeneraalka awoodiisa sii liiceyso ee Khalifa Haftar oo lumiyay gacan ku heynta goobo badan oo istaraatiiji ahaa.
Abdel Fattah al-Sisi ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Sirte ee dalka Liibiya in ay tahay khad cas, waxa uuna ku goodiyay in dowladiisa ay qaadeyso talaabo kasta oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Dowlada Liibiya ee aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ayaa warka Madaxweynaha dalka Masar ku tilmaantay duulaan ka dhan ah qaranimada Liibiya, waxa ayna dowlada cadeesay in aysan jirin wax khad cas ah oo kuyaala gudaha Liibiya.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Masar ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Dowlada Liibiya ee taageerada ka helaya milatariga Turkiga doonayaan in dagaal uga saaraan magaalada Sirte ciidamada uu hogaamiyo Khalifa Haftar.