Madaxweynaha Somaliland Oo La Waydiiyey Inay Dhankiisa Suurto-gal Ka Tahay Inuu Madaxweyne Ka Noqdo Soomaaliya
Hargeysa (Dhexnimo) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Waraysi uu bixiyey arrimo badan oo xilligan ka jira Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland, Ictiraaf-raadinta, Wada-hadallada Soomaaliya, Cadaaladda iyo arrimo kale oo taagan.
Madaxweynaha oo lagu waraystay Barnaamijka Martida Makarafoonka ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa ugu horrayn ka hadlay Mashaariicda horumarineed ee illaa hadda ka hano-qaaday Somaliland ayaa yidhi “Tallaabooyin Horumar ah waanu qaadnay, Dekedda Berbera sannadka 2021-ka waa dhamaad, Waddada isku xidhaysa Berbera iyo Wajaale boqolkiiba dhowr iyo Toban waa la dhameeyay, iyaduna inay wakhtigaa dhamaato ayaan filayaa haddii Allaah yidhaahdo, dhamaadka Waddada Ceerigaabana waxa nooga hadhay in 60KM ku dhow.”
Madaxweynaha oo la waydiiyey inuu Tilmaan ka bixiyo waxa Somaliland u qabsoomay 30-kii Sanadood ee u dambeeyay ayaa ku jawaabay “Markaan ka qiyaaso Maalintii lagu dhawaaqay iyo Maanta, Guulaha iyo horumarka aanu gaadhnay wuxuu igu rejo gelinayaa in sanadaha soo socda inaanu horumar intaa ka weyn samayn doono oo aanu hiigsan doono Caalamka kuwaa Boqollaalka sano jiray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waan kuu sheegayaaye markii lagu dhawaaqay Somaliland, magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa ka mid tahay ma jirin ama wuu yaraa Guri Saqaf saaran yahay (Jiingad), Guri Daaqado lihi ma jirin, wax Madfac iyo diyaarado rusheeyeen oo baaba’day ayay ahaayeen, Xaafadaha iyo Beeraha Miino ayaa wada taallay, beerna maad falan karayn, meelna maad mari karayn, meel biyo socdaan oo Dadka looga soo qaadaa ma jirin, Wax Alaale iyo wixii Ceel ahaa waalla burburiyey, meel Ardaydu wax ku dhigato oo Dugsi ahi ma jirin, Kuraas lama haynin oo dhagaxaan baa lagu bilaabay, meel amaan ah oo Dadku istaago ama Roobka ama dhaxanta ka galo dalkaa ma jirin, halkaas ayaa laga soo qaaday (Somaliland), Maanta waxaanu leenahay intaas oo Jaamacadood, Magaalooyinka inta fooq ka dhisan ee Shacabku dhistay iyo mid Dawladeedba waad yaabi, waxaanu nahay dalka ugu ammaan badan ee Dahabka iyo Lacagtu bannaanka yaallaan.”
Madaxweynaha oo la waydiiyey inay jiraan Cabaqado ayaa ku jawaabay “Caqabadahaana waanu ka gudbaynaa, 30-kaa sanadoodna waxaanu baranay sida la isku dhiso ee loo horumaro, waanuna ka sii dheeraynaynaa. Ictiraafka wakhtiga uu doono ha qaato, Qiimaha uu doono haku kaco, waa Yoolka aanu hiigsanayno Somaliland-na way gaadhaysaa, haddii Allaah yidhaahdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey oo uu ka jawaabay su’aal laga waydiiyey cabashooyinka ka soo yeedha Shacabka “Dawladda iyo Cabasho waa kala maarmaan, Waayo? marka Qofka la dooranayo ee Doorasho dhacayso waxay filayaan Dadka wax dooranayaa iyo xaqiiqda inta la qabto ayaa mar walba kala bata, Dadku mar walba waxay filayaan Filasho weyn, ta Maraykankaa ka mid ah, ta Ingiriiskaa ka mid ah, tu kasta oo doorasho gasho oo Adduunka ayaa ka mid ah, markaa waanu ogol nahay inay Dadku ka cawdaan Dawladda oo waa Daw, Dadku isku aragti maaha oo Aniga iyo Xukuumaddayadu dar Ilaahay iyo daacadnimo ayaanu ku shaqaynay iyo in Dadka si Caddaalad ah wax loogu qabto, hadh iyo habeena loo shaqeeyo Ummadda, annagu halkaas ayaanu taaganahay.”
Madaxweynaha oo la waydiiyey Eedaymaha kaga yimaadda Madax-dhaqameedka Qaarkood iyo waxa keenay in Madax-dhaqameedku la xidhiidh furtaan Xukuumadiisa ayaa ku jawaabay “Annagu markii aanu meesha nimid, waxaanu kala saarnay Xukuumaddii iyo Shicibkii Maamul ahaan, Dal ahaan waxa laga Maamulaa oo laga hagaa qaybo badan, Goleyaashii la doortay iyo Xukuumaddu waa meel, Madax-dhaqameedku waa meel, Culimadu waa meel, Ganacsatada iyo Maal-qabeennada oo dhaqaalihii dalka hayaa waa meel, dhallinyarada iyo haweenka, intaas oo dhan baa Talada Qaranka wadaaga, annagu intaba Gacan iyo Wada-shaqayn baanu la leenahay, ra’yigooda ayaanu dhegaysanaa, laakiin waxaanu kala ilaalinaa in Xukuumadda iyo Hay’adahaasi ay isku wada qasmaan.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka jawaabay sababaha keena Xadhigga Dadweynaha iyo Cabashooyinka laga qabo Garsoorka “Xaqiiqada aan kuu sheegayaa waxa weeyaan, Somaliland waa dal Dimuqraadi ah oo Dastuur leh oo Qof kastaaba uu Xorriyaddiisa ku doodi karo, ma jiro Qof la soo xidhay oo Wakhtigii uu Dastuurku u qabtay aan Maxkamad lagu hor-geynin, 99% Qof kasta oo Maxbuus ah oo la soo qabto waxa la mariyaa sidii Dastuurku dhigayey, waa inuu Looyar helaa, haddaanu dhaqaale ahaan u awoodayn Dawladda ayaa u qabata, waa inuu iska difaacaa (eedda loo soo jeediyo), Haddii Qof uu Xukuumadda ka tirsado Xad-gudub Maxkamadda ayuu toos ugu dacwadoodaa, Garsoorkayaga Garsoor uga dhexdhexaadsan dadka wuu yar yahay, Dadka Suxufiyiinta ah, Qof Suxufi ah oo la soo qabtay oo aan Maxkamadda la geynin oo aan looyar loo qaban, oo aan doodin oo aan Maxkamadi xukumin malaha, markaa waa in Qofku Maxkamadda aaminaa, hadduu yidhaahdo khalad baa la igu soo qabtay, Maxkamaddii aamini maayo, markaa waxaan leeyahay Somaliland waxa taalla Dimuqraadiyad iyo Xorriyad Saxaafadeed oo ah ta Adduunka ugu badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray in Suxufiyiinta la xidho loo sheego dambiyada ama khaladaadka ay galaan “Haddii aad gaadhi wadato oo aad Laydhka cas jiidho Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinku way ku qabanayaan, Ma Jiro Qof aanu Suxufinimadiisa u xidhnay, Qofka Suxufiga ee la qabto waa loo sheegaa Sharciga uu jebiyey iyo wuxuu galay, Looyarna wuu qabsadaa, Qofka intaa waayey waa khalad dhacay oo waanu saxaynaa, laakiin 99% Waddadaas ayaa la maraa.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyey wuxuu u malaynayo inuu hor-taagan yahay Ictiraafka Somaliland ayaa yidhi “Fagaareyaasha Gar-naqsi xoogle ayaanu geynaa, laakiin Cid na tidhaahda Ictiraaf ma mudnidin iyo maydaan shaqayn iyo Ceebtaa ayaad leeyihiin maanaan arag, laakiin Dagaalka u weyni wuxuu ka socdaa Dawladda Muqdisho ka dhisan oo markii la ictiraafay, Ictiraafkii iyo dhaqaalihii ay heshay u adeegsatay inay kula dagaalanto Somaliland, hadday dhaqaale la dagaalan tahay, hadday borobagaando tahay, hadday tahay dhexdayada oo ay qas ka abuurto, markaa dagaalka nagu socdaa waa dagaalka Dawladda Xamar ka dhisan oo wixii horena dalkan u geysatay.”
Madaxweynuhu wuxuu Waraysigan oo dheeraa ku sheegay inay diyaar u yihiin Wada-hadallo ay la yeeshaan Soomaaliya “Wada-hadal baanu diyaar u nahay, inaanu Walaalnimo ku wada noolaano ayaanu diyaar u nahay, Dad waanu isugu xignaa, in lana dhex-galo ma ahayn, inay xaqiiqda rumaystaan bay ahayd, imika Somaliland iyo Madaxweynaheedu waxay diyaar u yihiin in wixii dhab ah lagu wada hadlo, qolo walbana ay xaqiiqada ku soo dhawaato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa inay dhankiisa suurto-gal tahay inuu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto, haddii laga gudbo khaladaadka ay Somaliland ka tirsanayso Soomaaliya “Horta waxa khalad ah, inta aynaan wax isla ogolaanin Madaxweynaha aanu idin siino, waxaa aynu ku heshiino, aynu Walaalnimo abuurno, horta yaa heshiinaya ee is haysta ?. Waxaanu ka doonaynaa Qolada Soomaaliya inay aqoonsadaan oo ay dhegaystaan Dawladdii Somaliland ee lixdankii Walaalnimada ugu timid iyo Soomaaliya inay laba Dawladood oo kala gaara ahaayeen, haddaan taaba la haynin Madaxweynuhu muxuu yahay?. Maxamed Ibraahim Cigaal meesha wuxuu tagay isagoo Raysal-wasaare ah, laakiin wuxuu ka macaashay 10 sano oo xadhig ah iyo Dadkiisa oo diyaarado lagu garaaco.”

Xigasho Geeska