Madaxweynaha Real Madrid Iyo Agaasimaha Barcelona Oo Halis Ugu Jira Xanuunka Coronavirus – Waa Kuma Qofka Ay La Kulmeen Ee Laga Helay Covid-19?

Real Madrid ayaa walaac weyn soo fuulay markii la ogaaday inuu la kulmay masuul uu hayo xanuunka halista ah ee Coronavirus, kaas oo dad badan ku laayay waddamada qaaradda Yurub iyo Asia.
Xanuunkan oo dadka ugu badan ee uu laayay ay da’doodu ka weyn yihiin 70 jir, ayaa waxa lasoo bandhigayaa talooyin muhiim u ah dadka ay da’doodu ka weyn tahay toddobaatan jirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay iskood meel iskugu karantiilaan oo ay ka ka fogaadaan inay galaan-gal la sameeyaan dadka kale si ay uga fogaadaan xanuunkan, maadaama unugyada difaaca jidhkoodu diciif yahay oo dhimashada ugu badan uu iyaga ku keeno.
Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez oo ay da’diisu tahay 73 jir ayaa walaac weyn galay markii la xaqiijiyey in xanuunkan laga helay Madaxweyne ku-xigeenka kooxda reer Brazil ee Flamengo, Mauricio Gomes de Mattos oo dhowaan safar ku tegay waddanka Spain, isla markaana kulamo la yeeshay Perez iyo madax kale.
Muddadii uu joogay Madrid, Mattos waxa uu booqday xarunta kaydka guulaha iyo taariikhda Real Madird iyadoo uu wehelinayo Florentino Perez, laakiin Barcelona ayaa sidoo kale u walaacsan xaaladda caafimaad ee agaasimahooda Eric Abidal oo la kulmay ninkan muddadii uu safarka ku joogay Spain.
Safar madaxda Flamengo waxa kale oo qayb ka ahaa, Madaxweynaha naadigaas Rodolfo Landim iyo madaxweyne ku-xigeenka dhinaca suuq-geynta, Gustavo Oliveira.
Advertisements
Mattos ayaa dhigay bartiisa Twitterka madaxda Real Madrid ee uu kulanka la qaatay sida Florentino [erez, Juni Calafat iyo Jose Angel Sanchez. Sidoo kale, kulanka Barcelona waxa qayb ka ahaa Eric Abidal, Ramon Planes, Franc Carbo iyo Jordi Mora.
Lama sheegin tallaabooyinka ay qaadeen Real Madrid iyo Barcelona ee ay ku hubinayaan bad-qabka caafimaad ee masuuliyiintooda kulanka la yeeshay shaqsiga laga helay xanuunka, hase yeeshee waxa jira talooyin ay masuuliyiinta caafimaadka ee dunidu siiyeen cid kasta oo kulan la yeelata ama u dhowaata qof kale oo xanuunkaas laga helay, in uu karantiil isku sameeyo, lana xidhiidho waaxaha caafimaadka.