Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Wararka laga helayo safarka Madaxweyne Deni uu ku tegayo Itoobiya ayaa sheegaya inay tahay arrimo la xidhiidha doorashooyinka 2021-ka, waxaana uu maalmo kaddib uga soo gudbi doonaa wadank Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddo 14 maalmood ka hor booqasho ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, hayeeshee xogo badan aan laga helin kulamadii uu la qaatay madaxda dalkaas.