Maamulka soo socda ee Madaxweynaha la doortay Biden ayaa loogu baaqay in uu qaado talaabooyin lagu xallinayo xaaladda muhaajirnimo ee dadka reer Mexico ee ka shaqeynaya Mareykanka.

Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay in ay la shaqeyn doonaan ayna og yihiin dhibaatooyinkii xiriirka labada dal uu u geystay Madaxweyne Trump.

“Waxaan soo jeedinay in dadka wadankeena u dhashay ee shaqeynayay sanadaha in la xakameeyo, iyagoo ka qeyb qaadanaya horumarka qarankan weyn,” Lopez Obrador ayaa u sheegay suxufiyiinta shirkiisa joogtada ah ee maalinlaha ah.

Madaxweynaha Mexico waxaa uu intaasi kusii daray” talaabadan oo kale waa inay dhameystirtaa qorshayaasha lagu taageerayo wadamada saboolka ah ee Bartamaha Ameerika iyo koonfurta Mexico, meelaha ay u soo dirto muhaajiriinta badan Mareykanka.