Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho ku tegay dalka Japan

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

Biden ayaa labo maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalinta Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito. Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan. Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad.

Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo,

Saraakiisha Maraykanka ayaa sii saadaaliyey in K. Woqooyi ay tijaabin doonto gantaalada hubka nuclearka qaadi kara iyo bambooyin inta madaxweynaha Maraykanku uu gobolka booqanayo. K. Woqooyi ayaa iska dhago tirtay dadaal ay Washington ku doonaysay inay xidhiidh kula sameyso.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeysa
Info@Dhexnimomedia.com