Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku kordhiyay waqtiga bandowga saaran dalka Kenya muddo 21 maalmood ah.

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale waxa uu amray inaysan ka soo gudbi karin xadka dalalka wadankiisu uu la wadaago Soomaaliya iyo Tanzania gaadiid aan ka ahayn kuwa xamuulka.

Tallaabooyinkan uu ku dhowaaqay Madaxweyne Kenyatta ayaa ah mid lagu doonayo in lagu sii xoojiyo dadaalada lagu doonayo in loogaga hortago cudurka Covid-19 oo tirada dadka uu soo ritey ay gaartay 830 ruux halka konton ruuxna ay u geeriyootay cudurka.

Isagoo la hadlayay shacabka Kenya ayuu Uhuru Kenyatta sheegay in ay kordheen dadka laga helayo cudurka Covid-19 kuwaasoo ka soo gudbaya wadamada deriska la ah Kenya.

43 ruux oo laga helay cudurkan toddobaadkii hore gudaha dalka Kenya ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dalalka Soomaaliya iyo Tanzania.

Sidoo kale waxaa la amray in laga baaro cudurka Coronaha darawalada gaadiidka xamuulka ee ka soo gudba wadamada deriska la ah dalka Kenya.