Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu dagaal doonyo

Wareysi uu sii daayay Sabtidii, Macron wuxuu ku sheegay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu soo bandhigay dabeecad dagaal oo uu la galo xulafada Nato, isagoo intaa ku daray inuu rajeynayo in wax walba ay qaboojiyaan.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Erdogan, iyo sidoo kale tiro kale oo ka mid ah hogaamiyaasha kale ee wadamada Muslimiintu ay sii wadaan inay ku dhaleeceeyaan Macron aflgaado uu u gaystay diinta islaamka.

Macron wareysi uu siiyay telefishanka Al Jazeera, wuxuu sheegay inuu rajeynayo in madaxweynaha Turkiga uu ixtiraamo Faransiiska sidoo kalana ixtiraamo Midowga Yurub.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeisa
cabdiraxmaan800@gmail.com