Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa sii wata tababarkiisa uu ku ilaalinayo taam ahaanshihiisa inkastoo la galay bisha barakeysan ee Ramadan isagoo tababare adag sameynaya xilli habeen bar ah.
Salah oo 27 sanno jir ah ayaa soo dhigay barahiisa bulshada isagoo tababar adag ku sameynaya qolkiisa jir dhiska mar ay saacada aheyd 2:40am.
Xiddiga Masar oo haatan sooman madaama bisha Ramadan lagu jiro ayaa sawirka ku dul qoray: “Jawiga”
Salah ayaa mar sii horeysay soo bandhigay inuu jirdhis xoogan sameeyay mudadii uu karantiilka ku jiray isagoo Instagram soo geliyay sawir uu soo bandhigayo murqihiisa caloosha.
Saaxiibkiisa Liverpool Dejan Lovren ayaa sawirka ka jawaab bixiyay isagoo yiri: “Oo hadda ma waxaad bilowday inaad sawiro isaga qaado guriga dhexdiisa.”
Salah ayaa sawiro dhowr ah oo uu isagu diyaarinayay bisha barakeysan ee Ramadan soo dhigayay barihii bulshada maalmihii la soo dhaafay.
Waxa uu sawir isaga qaaday isagoo gurigiisa ku sharcaya feynuusta iyo sharaxaad kale oo muujineysa inay Ramadan tahay.
Salah ayaa sidoo kale ku mashquulsan inuu sadaqo bixiyo isagoo cunti uyo hilib u qeybiyay dadka degan magaalada uu ka soo jeedo ee Nagrig.
Xiddiga reer Masar ayaa raashiin u dhiibay dadka fuqarada ah ee degan magaalada uu ka soo jeedo isagoo ugu baaqay inay guryahooda iska joogaan si ay uga badbaadaan caabuqa socda.

Aabaha dhalay Salah oo lagu magacaabo Salah Ghaly ayaa shaaca ka qaaday in tuulada la nadiifiyay islamarkaana dadka deegaanka la siiyay wajixir ay uga hortagaan caabuqa iyadoo Masar ay u dhinteen caabuqa 264 qof.
Waxaa la rumeysan yahay in saqada uu bixiyay Mohamed Salah inay gaareysa 405 kun ginni.