Fallastiin (Dhexnimo Media) Labada maamul ee Falastiiniyiinta (PA) iyo Xamaas, ee xukuma Marinka Gaza, waxay cambaareeyeen heshiisyada uu Mareykanku gadhwadeenka ka yahay oo ay ku tilmaameen mid “dhabarka lagaga tooganayo dadkooda.

Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo diblumaasiyiinta ugu sareysa Imaaraadka iyo Imaaraatka (UAE) iyo Baxrayn ayaa lagu wadaa inay heshiisyada ku kala saxiixdaan Washington Talaadada iyagoo caadeynaaya xidhiidh kooda iyadoo aan wax horumar ah laga gaadhin heshiiska nabadeed ee Israel iyo Falastiin.

Hogaamiyaasha Falastiin waxay sheegeen inay dib uga fiirsan doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin Jaamacada Carabta
“Berrito, waxaan goobjoog u noqon doonnaa maalin madow oo taariikhda dunida Carabta ah oo looga adkaaday hay’adaha Jaamacadda Carabta, kuwaas oo aan midaysnayn laakiin kala qaybsan,” ayuu Mohammed Shtayyeh ka yidhi kulanka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirradiisa PA.

“Tani waxay noqon doontaa taariikh kale oo lagu daro jadwalka dhibaatada Falastiin,” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in PA ay tahay inay “saxdo” xidhiidhka ay la leedahay Jaamacadda Carabta diidmada ay ku cambaareyneyso labada heshiis ee caadiga ahaa ee la kala saxiixday tan iyo bishii hore.

Falastiiniyiinta waxay ku baaqeen mudaharaadyo maalinta talaadada ah oo ku beegan xaflada saxiixa waxayna ku booriyeen dowladaha kale ee Carbeed “inaysan ka qeyb galin dabaaldegyada”.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Baxrayn Abdullatif al-Zayani iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraatka Abdullah bin Zayed bin Sultan al-Nahyan, waxay gaadheen Washington Axadii, halka Netanyahu uu yimid Isniinta xilli ay socdeen baaqyo iscasilaadiisa oo ka dhacay Israel.
Heshiiska Israel iyo Imaaraadka Khiyaanada Abu Dhabi waxay dhalin kartaa dagaal qabow oo cusub isla markana lala galo Iran.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeysa
Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com