M/weynaha Tunisia oo diiday eed kaga timaada dalkiisa.

Tunis: M/weynaha dalka Tunisia Kays Saacid oo warbaahinta dawlada ka hadlay ayaa sheegay inaanu doonayn in afgambi ku qabsado talada wadankaas hase ahaatee u badbaadinayo.
In m/weyne Kays uu doonayo inuu xukunka awood ku qabsado ayaa waxaa ku eeedeeyay xisbiyada siyaasadda ee dalkaas kadib markii la xir xiray inta badan xildhibanadda dalkaas shalay.
M/weynuhu waxaa uu sheegay in dhawaan soo magacabaayo r/wasaare kadibna la dhisayo xukuumad lana dajiyay qorshe xal loogu helayo dhibaatooyinka caafimaad iyo dhaqaale ee dalkaas ka jirta.
M/weyne Kays Saacid ayaa xilka ka qaaday r/wasaarihii dalkaas waxaana uu shaqada ka joojiyay baarlamaanka muddo bil ah.
Shalayna ciidamada amaanka ayaa xir xiray xildhibaanada qaar kadib markii ay isku dayeen inay xoog ku galaan aqalka ay ku shiraan ee ku yaala magaalada Tunis.