Suuqa jiilkaalka ee bisha January ayaa galay maalintii 7-aad, waxaana ay kooxuhu si aad ah ugu hawllan yihiin inay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee uu furan yahay oo ay soo qaataan ciyaaryahanno ay ku xoojistaan safafkooda qaybta ka hadhay xili ciyaareedkan.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu waaweynaa ee wargeysyada dunidu ay maanta ka qoreen dhaqdhaqaaqyada suuqa iyo ciyaaryahannada ay kooxuhu kala jiidanayaan, waxaananu ku lifaaqnay warbaahinta iska leh xuquuqda war kasta si aanu u ilaalino xuquuqda lahaanshiyaha xogta, isla markaana aanu u caddayno raadraaca war kasta.