Kubbad-Burburiyaha Ugu Wanaagsan Dunida Ee N’Golo Kante Oo Amaah Lagu Doonayo – Miyey Chelsea Ogolaanaysaa

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa usoo bandhigtay Chelsea inay ka ogolaato heshiis amaah iyo iib iskugu jira oo ay kaga doonayaan kubbad-burburiyaha dunida ugu wanaagsan ee N’Golo Kante.
Tababarihii hore ee Chelsea, Antonio Conte oo hadda ah macallinka Inter Milan ayaa doonaya in Kante ay mar kale midoobaan, isla markaana uu udub-dhexaad u noqdo kooxda uu dibu-dhiska weyn ku samaynayo ee Inter Milan.
Conte ayaa ahaa tababarihii N’Golo Kante keenay Chelsea sannadkii 2016 oo uu kala soo saxeexday Leicester City, waxaana uu mar kale doonayaa in mar kale uu layliyo oo ay horyaalka Talyaaniga wada tagaan.
Advertisements
Sida uu qoray wargeyska Tuttomercato, Conte ayaa ku qanciyey maamulka Inter Milan inay u dhaqaaqaan sidii ay u keeni lahaayeen Kante, waxaana qorshuhu yahay inay ku dalbadaan heshiis amaah ah oo xili ciyaareedka dhowaanta bilaabmi doona ay ku qaataan, laakiin lagu daro qodob qasab ka dhigaya in sannadka dambe ay Inter Milan si rasmi ah ula wareegto iyadoo bixinaysa €50 milyan oo Euro.
Chelsea ayaa la filayaa inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoygeeda si ay u hesho lacag ay ku celiso qasnaddeeda oo ay ka saartay in ka badan £250 milyan oo ay kusoo iibsatay Timo Werner, Ben Chilwell, Hakim Ziyech iyo Kai Havertz oo ay qarka u saaran yihiin saxeexiisa, halka Thiago Silva iyo Sarr ay si bilaash ah ugu soo wareegeen.
Haddii Kante uu tago Inter Milan, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii lixaad ee Premier League ay kooxdaasi kala wareegto labadii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana kasii horreeyey Romelu Lukaku, Christian Eriksen, Ashley Young, Victor Moses iyo Alexis Sanchez.
N’Golo Kante oo ka dega Inter, waxay kooxda Talyaanigu fasixi doontaa qaar ka mid ah xiddigaheeda waaweyn ee Roberto Gagliardini, Matias Vecino, Marcelo Bronzovic iyo Eriksen oo sannad ka hor uga soo wareegay Tottenham.