Ku dhawaad 50 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay Indonesia
Ugu yaraan 44 qof ayaa dhimatay, toddobo kalena waa la la’yahay kadib daadad iyo dhul go’ ku dhuftay jasiirad ku taal koonfurta Indonesia maanta, iyada oo la filayo in tirada dhimashadu ay sii kororto, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka.
Afhayeenka Wakaaladda Kahortagga Musiibooyinka (BNPB) Raditya Jati ayaa sheegay in khasaaruhu ku faafay saddex tuulo oo ka tirsan bariga Nusa Tenggara. Waxaana ay cusbooneysiisay waaladu xogta aagga laga helay.
“Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay Tuulada Lamanele, 3 qof waxay ku dhinteen tuulada Waiburak, 3 qofna waxay ku dhinteen tuulada Oyang. Wadar ahaan 44 qof ayaa dhimatay, 7 waa la la’yahay,” ayuu Jati ku yiri hadal uu soo saaray Maanta oo ah Axad.
Roobabaka mahiigaan ah oo ka da’ay dhulka buuraleyda ah, waxyar ka dib markii xalay saqdii dhexe ay garaaceen ku dhowaad 50 guri ayaa waxaa la soo warinayaa in tuulada Lamenele ee Jasiiradda Flores uu saamayn xoogan ay ku yeesheen daadadku.
Wakaaladda Kahortagga Musiibooyinka ayaa sheegtay in daadadka ay sababeen roobab culus oo ka da’ay Bariga Flores saacadihii ugu dambeeyay.