Korana Fayras: Cudurrada safmarka ah muxuu ka yiri Nabi Maxammed(NNKH)?

Masaajidka barakaysan e ku yaalla Makka oo qaar ka mid ah Miuslimiinta ku tukanayaan taraawiixda iyadoo ay dadku kala fogyihiin. Dowladda Suciidiga ayaa dad koban u ogglaatay inay masaajidka galaanLahaanshaha sawirkaSTR
Image captionMasaajidka barakaysan e ku yaalla Makka oo qaar ka mid ah Miuslimiinta ku tukanayaan taraawiixda iyadoo ay dadku kala fogyihiin. Dowladda Suciidiga ayaa dad koban u ogglaatay inay masaajidka galaan

Khubarada Muslimiinta waxay sheegayaan in ay dadka ka caawineyso in dib loogu noqdo tilmaamihii Nabi Maxamed (SCW) ee la xiriiray la dagaallanka cudurrada safmarka ah.

Shuruucda Islaamka ee la xiriirta ka hortagga cudurada faafa iyo in dadka laga difaaco in ay xanuunkaas qaadaan ama u dhintaan waxay soo billaabatay xilligii Nabiga(SCW) sida lagu qoray bogga warbaahinta Turkiga ee TRT World.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan uu Nabi Maxamed u sheegay asxaabtiisii in noloshooda ay dhowraan, sida ku xusan Axaadiis badan, isagoo dadka ku boorinayay in aysan aadin ama gelin meelaha ay ka jiraan cudurada safmarka ah.

“Nabigeena Maxamed (SCW) wuu ka hadlay arrinta karantiilka 14-ka maalin ah, boqollaal sano ka hor,”ayuu yiri Cafer Karadas, oo Arrimaha diinta ka dhiga Jaamacadda Uludag, ee dalka Turkiga wuxuuna tixraacayay mid ka mid ah Axaadiista aadka loo garanayo.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida isagoo ka hadlayay maalmihii uu bilowga ahaa fayraska Korona, ayaa soo qaatay xadiiskaas, “Markaad maqasho [daacuunka] dhul uu ku dhacay [oo aad joogto] haka bixin, haddii aad maqasho dhul uu ka jirana ha u tagin,”ayuu yiri Nabiga CSW.

“Culimada qaar waxay isku khilaafaan daacuunka. Qaar waxay leeyihiin xanuun kasta oo fida daacuun baa la dhahaa. Sidaa daraateed, qaarkood waxay siiyaan in cuduradan markasta dillaacaya ee fayraska ah ee abtirka kala gedisan leh ee aadanaha baabi’inaya waxay siiyeen axkaamtii daacuunka,” ayuu yiri Sheekha.

.Lahaanshaha sawirkaSHEEKH MAXAMED CABDI UMAL
Image captionSheekh Umal

Sida uu xusay Karadas,”Arrintan waxay la xiriirtaa qaabka karantiilka casriga ah. Waxa hadda loo adeegsanayo [ee quseeya corona fayras] wuxuu la mid yahay taladii uu bixiyay Nabi Maxamed.”

Sheekh Umal ayaa dhankiisa yiri: “U fiirsada sida uu Nabiga (SCW) ula tacaamulay daacuunka. Cudurada noocan ah siduu ula tacaamulay waa sida hadda uu adduunka uga hortagayo”.

“Waxaa waaye in meesha uu ka dillaacay inta ku jirtana aysan soo bixin, inta ka maqanna aysan soo gelin. Nabiga SCW baa sidaa u daaweeyay,” ayuu hadalka ku sii daray.

Waddooyinka magaalada Muqdisho oo uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaaday kadib amrkii ay dowladda soo rogtay bandow lagu xakameynaya CoronaLahaanshaha sawirkaANADOLU AGENCY
Image captionWaddooyinka magaalada Muqdisho oo uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaaday kadib amrkii ay dowladda soo rogtay bandow lagu xakameynaya Corona

Iyadoo weli ay taagan tahay dhibaatada fayraska Covid-19 ayna u dhimanayaan boqollaal kun oo qof, “taladii nabiga ee looga falcelinayay cudurada safmarka ah waxay jirtaa hadda taas oo ah in dadka guryaha lagu xareeyo si fayraska loo dhimanayo looga ilaaliyo.

Karadas oo la hadlay TRT World wuxuu sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee cudurada faafa ay tahay xiriirka bini-aadamka ka dhexeeya, taas oo ay tahay in la yareeyo si loo dhimo halista fayraska loo dhimanayo.

Islaamka iyo cudurada safmarka ah

“Qarniyo badan ka hor, Nabigeena wuxuu dadka ku baraarujiyay in la joojiyo is taabashada dadka si nolol loo badbaadiyo. Waxay muujineysaa sida Islaamka uu muhiimad u siiyay nolosha iyo caafimaadka,” ayuu yiri Karadas.

Nabiga SCW wuxuu sidoo kale si adag wax uga qabtay xanuunada kale oo uu kala taliyay asxaabta si la mid ah arrimaha kale.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu yiri: “Masaa’ibta iyo cudurada waxay ku imaanayaan sababta dembiyada ay aadanaha galayaan,” isagoo soo daliishaday aayado iyo axaadiis badan.

“Nabiga wuxuu ahmiyadda koobaad geliyay caafimaadkiisa iyo caafimaadka bulshada. Markii uu Madina joogay, ee uu heshiiska la gali rabay koox, wuxuu diiday inuu gacanta ku salaamo mid ka mid ah wafdigii kaas oo cudur halis ah qabay, wuxuuna ku amray inuu ku noqdo meeshii uu ka yimid,” sida uu sheegay Huseyin Ari, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Guddiga maamulka ee Arrimaha Diinta Turkiga.

Xilligii uu Amiirka ahaa Cumar Binu Khadhaab, waxay Muslimiinta ku dhaqmeen wixii Nabiga SCW uu u sheegay in ay sameeyaan xilliyada cudurada safmarka ah ay jiraan.

Muddo intee la’eg ayay qofka ku qaadan kartaa in uu ka bogsoodo Karoona?

Xilligaas oo qarnigii 7-aad ee milaadiga ahayd, ciidamadii uu hoggaaminayay ayaa ku dhowaaday meel Suuriya ka mid ah, halkaas oo uu daacuun ka jiray, waxay taliyayaashii ku wareereen wixii la sameyn lahaa.

“Khaliif Cumar, wuxuu ciidamada u sheegay in ay dib u gurtaan iyagoo eegaya xanuunkaas faafayay,” Ari ayaa sidan u sheegay TRT World.

Balse waxay u muuqatay in amarkaas si wada jir ah oo niyad ah looguma hoggaansamin.

Ka dib, wuxuu Cumar aaday meel uu kula shiro asxaabtii kale ee hoggaanka ciidanka haysay. Markii la isku afgaran waayay, wuxuu la tashaday taliyeyaal kala duwan si uu go’aanka ugu dambeeya uu u gaaro.

Markii ugu dambeysay, wuxuu go’aansaday in uu dib uga noqdo dhulkaas uu daacuunka ka jiray.

“Aniga dib ayaa u noqonayaa subixii, adinkana soo noqda,” ayuu yiri Cumar oo ku dhawaaqayay go’aankiisa dib u noqoshada, sidaas waxaa qortay Warbaahinta Turkiga ee TRT.

Muslimiin ayaa u dhimatay

Abu Cubaydah ibnu Jarrax, oo taliyaha ciidanka ahaa, Cumar na saaxiib la ahaa, ayaa diidan go’aankaas, wuxuuna weydiiyay: “Ma waxaad ka carareysaa qararta alle?” sida uu sheegay Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Abu Cubaydah ayaa markii dambe u dhintay daacuunkii ka jiray dhulkaas Shaam.

“Haa, waxaa ka carareynaa qadarta alle waxaana u carareynaa qadarta Alle,” ayuu ku jawaabay Cumar.

Sida uu Sheekh Umal sheegay: “Cabdiraxman Ibnu Cowf oo ka mid ahaa asxaabta ayaa u yimid Cumar una sheegay xadiiska ah ‘haddaad dhul daacuun ka jiro aad joogtaa ha ka bixina, haddii aad ka maqan tihiinna ha gelina'”.

Sida ku xusan taariikhda, “cudurkaas safmarka ahaa waxaa u dhimatay ku dhowaad 25,000 ka mid ahaa Muslimiinta,” ayuu yiri Ari

Karadas oo ah khabiir arrimaha diinta, wuxuu sheegay in sida Islamka “uu nolosha u ilaaliyay” ay tahay mid si gaar ah ula xiriitay ilaalinta shaqsiga iyo caafimaadka bulshada.

Sheekh ku cibaadeysanaya masaajid ku yaalla magaalada Berlin ee dalka JarmalkaLahaanshaha sawirkaANADOLU AGENCY
Image captionSheekh ku cibaadeysanaya masaajid ku yaalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

“Cudur safmar ah waxaa cad inuu halis ku yahay nolosha shaqsiga iyo midda bulshada. Taas waxaa natiijo u nqon kara in qof kasta oo Muslim ah uu si adag ugu hoggaansamo talooyiinka khubarada cudurada faafa si naftaada shaqsiga ah iyo midda bulshada loo ilaaliyo,” ayuu yiri Karadas.

Ari oo guddiga sare ee arrimaha diinta ee Turkiga ka mid ah ayaa fikirkaas ku waafaqay Karadas, wuxuuna xoojiyay in si adag loo raaco talooyiinka iyo kala fogaanshaha dadka.

“Haddii aan dhibaateyno caafimaadka qof kale ama dhaqaalihiisa, si toos ah ama si aan toos ahayn, waxaa dhib u geysanayn xuquuqdiisa shaqsiyadeed,” ayuu yiri Ari.

“Haddii qof uu fayrska u gudbiyo qof kale, taas oo ka dhalata diidmadeena iyo ficilladeeda ula kaca ah, waxaad ku xadgudubtay xaqiisii shaqsiga ahaa,” ayuu Ari carabka ku adkeeyay.

“Haddii qof uu u dhinto sababo la xiriira fayras – Alle ha inaga badbaadiyee – wuxuu taas micneheedu yahay qofkii u gudbiyay kaalin buu ku leeyahay dhimashadaas, [wuxuu masuul ka noqonayaa sababta geeridaas],” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan guddiga sare ee arrimaha diinta ee Turkiga.

Xigasho BBC somali