Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ammaaney goolhayaha kooxdiisa Thibaut Courtois, kaddib markii uu si cajiib ah u difaacay shabaqiisa kulankii ay maanta guusha ka gaareen Getafe.

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay kala soo laabatay kooxda Getafe oo ay ku booqatay garoonka Coliseum Alfonso Perez, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 19-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Zinedine Zidane kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Getafe wuxuuna yiri:

“Waxaan si xoogan u bogaadinayaa waxa uu kulankan ka sameeyay Thibaut Courtois, wuxuu na badbaadiyay labo ama seddex jeer qeybtii hore ee ciyaarta, waxayna aheyd mid si cad u go’aamin kartay ciyaarta”.

“Waa ciyaartoy muhiim u ah kooxdeena marwalbana wuxuu muujiyaa tayadiisa, kaliya ma ahan kulanka maanta, aad ayaan ugu faraxsanahay waxqabadka uu sameeyay inta uu kulanka socday”.

“Courtois waa goolhayaha kooxdayda, sidaas darteed aniga ahaan waa goolhayaha ugu fiican adduunka, waligeyna shaki ma galinin awoodiisa, wuxuu cadeynayaa inuu yahay kan ugu fiican, dhamaan ciyaartooyda halkan joogana waa kuwa ugu fiican”.

Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa la weydiiyay kooxda ugu cad-cad ee ku guuleysan karta Spanish Super Cup wuxuuna yiri:

“Sida caadiga ah, waxa ugu horreeya waa inaan ku raaxeysanaano wixii aan soo bandhignay maanta waxaana gali doonaa nasiino, kaddib waxaan ka fiirsan doonaa kulanka Arbacada ee Valencia, afarta kooxood ee ka qeyb qaadaneysa Spanish Super Cup-ka dhamaantood waxay ugu cad-cad yihiin hanashada tartankan”.