Kooxaha Premier League ayaa dhamaadka toddobaadkan bilaabi doona inay isku diyaariyaan kulamada ka hadhsan xili ciyaareedkan, kuwaas oo hakad u galay caabuqa Coronavirus horraantii bishan March.
Dhamaan 20-ka kooxood ayaa waxay isku diyaarinayaan inay garoomo albaabadu u xidhan yihiin ku dheelaan kulamada u hadhay oo naadiyada qaarkood ay sagaal ciyaarood u dhiman yihiin, shan naadina toban ciyaarood.
Bisha May bilowgeeda ama horraanta June ayaa ayaa qorshuhu yahay in dib loo bilaabo ciyaaraha, kaddibna si degdeg ah loogu dhamaystiro kulamo xidhiidh ah oo aan wax nasasho ah la siinin ciyaartoyga, taasina waxay keentay in kooxuhu ay toddobaadkan dhamaadkiisa isku diyaariyaan sidii ay taam ahanashaha laacibiintood ee dhinaca jidhka u bilaabi lahaayeen.
Sida uu qoray wargeyska Express, Liverpool, Manchester United, Manchester City, Arsenal, Tottenham, Chelsea, Leicester City iyo kooxaha kale ayaa ciyaartoygoodu ay tababar ku qaadanayeen gurayahooda si jidh ahaan u diyaarsanaadaan, laakiin koxoaha ayaa ku riixi doona inay iskugu yimaaddaan garoomada carbiska waqtigan halista badan jirto.
Ciyaartoyda ayaa laga baadhi doonaa caabuqa Coronavirus ka hor inta aanay garoonka tababarka gelin, sidoo kalena waxay xidhan doonaan golofsiyo iyo saraawiil dhaadheer oo u ogolaan karaya inay si habboon u samayn karaan jimicsiyada iyo ciyaarista kubadda, kuwaas oo dhinaca kale kala ilaalinaya inay jidh ahaan isku taabtaan.
Waxa kale oo suurtogal ah, in laacibiinta ay kooxahoodu ku amraan inay maaskaro afka ku xidhaan xilliga ay tababarka samaynayaan, taas oo aan la ogeyn sida ay suurtogal ugu tahay ciyaartoy ordaya oo u baahan inay hawo badan qaataa.
Dhinaca kale, laba ka mid ah kooxaha Premier League, waxay dheeli doonaan tartanka Champions League, waana Chelsea oo hal lug ugu hadhsan tahay Chelsea iyo Manchester City oo Real Madrid qaabbili doonta, waxaanay kulamadani qasab ka dhigayaan in ciyaartoygu tababar sii qaataan.

Manchester United iyo Wolves ayaa iyaguna ku jira tartanka Europa League oo u baahan inay isku diyaariyaan kulamada Premier League iyo tartanka kaleba.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha ayaa usbuucan bilaabi doona, tababar xilli xaasaasi ah.