Kooxaha ku xafiiltama Magaalada London ee Arsenal iyo Tottenham ayaa si wayn ugu wada dagaallamaya laacibka booska labaad ee Naadiga Norwich City ninka lagu magacaabo Max Aarons.

19-sano jirkaan ayaa 20 kulan u saftay kooxda Norwich City tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, sidoo kale xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa la rumeysan yahay inuu qabtay indhaha kooxaha Everton iyo West Ham United.

Wargeyska Daily Mail ayaa qortay in Spurs loo maleynayo inay ugu cad-caddahay inay la soo saxiixato Max Aarons, halka Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta qudhiisu u baahan yahay daafaca labaad ee ka cayaara booska dambeedka midig, maadaama Héctor Bellerín uu dhaawaciisa batay sanadihii ugu dambeeyey, halka Ainsley Maitland-Niles uusan ahayn cayaaryahan booskaas si rasmi ah ugu ciyaara.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham Hotspur ayaa dhankeeda ku dhibaatoonaysa helista daafac ka cayaara booska daafaca garabka midig tan iyo bixitaankii Kieran Trippier.