Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa war ay soo saartay ku shaacisay in kiisas hor leh oo cudurka Caronavirus in laga helay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in baadhitaano lagu sameeyay dad looga shakiyay caabuqa Caronavirus laga helay sadex qof oo kamid ahaa halka kuwa kalana laga waayay.
Waxa uu sheegay Wasiirka sadexda kiis ee laga helay Somaliland labo kamid ah laga helay magaalada Hargeysa halka midka kalana laga helay magaalada Boorama, waxa uuna sheegay in dadkan hada xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Kiisaska cudurka Caronavirus ee laga helay  Somaliland ayaa gaadhaya ilaa 5-kiis, waxaana  hore xukuumadu u xaqiijisay laba kiis .

  1. Dhexnimo Media/ Hargeysa
    Info@dhexnimomedia.com