Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Ee Jaamacada Camuud  + Furitaanka Biriishka Cusub Ee Boorama

Madaxweyne Muuse oo xadhigga ka jaray Biriijka Boorama iyo Camuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo magaalooyinka dhinaca bari kaga teedsan.
Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama, ayaa si aan kala hadh-lahayn madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, waxana iyagoo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen dariiqyada kala duwan ee magaalooyinkaas.
Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaadhay magaalada Boorama, waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee isku xidha Jaamacadda Faca-weyn ee Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore madaxweynuhu u dhagax dhigay.