Warbaahinta Ethio 360 Media ayaa sheegay inay heleen xog hoose oo cadaynaysa inay gudiga fulinta ee xisbiga Barwaaqada kulan ay yeesheen Sabtidii shalay ay ku go’aamiyeen in doorashada dib loodhigo.
Warbixinta ayaa sheegaysa in go’aankan loo gudbindoono golaha fadareeshinka kadib markuu ansixiyo aqalka golaha wakiilada shacabku si ay ugu sameeyaan qodob sharci ah oo dib loogu dhigi karo xukuumada hada jirtana usuurta galinaya inay siiwadato xukunkeeda.
Warbixinta ayaa sidookale qeexday inay gudiga fulintu kawada doodeen 4 arimood/wado oo midkood loo cuskado dib udhigida doorasha, kuwaas oo kala ah:
(1) In markay doorashadu soo dhowaato lakala diro baarlamaanka sidaasna mudo 6 bilood ah xukuumadu kusii shaqayso.
(2) In mar labaad lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah ( second state of emergency)
(3) In golaha fadareeshinka laga codsado inay u ansixiyaan sharci dib loogu dhigi karo doorashada.
(4) In dib u habayn iyo wax kabadal lagu sameeyo Dustuurka dalka.
Dood dheer kadib ayuu goluhu go’aansaday in laqaato qodobka 3aad.
Arinta sababta looga dhigay go’aankan ayay kusheegeen inuu yahay 2 xaaladood; (1) Dhibaatada cudurka COVID-19 ka iyo (2) Inay suurtagal tahay inuu dalka wajaho culaad shisheeye.
Iskusoo wada duuboo, arintan ayaa lafilayaa inay si wayn ugasoo horjeedsan doonaan TPLF iyo qaar kamida oo hada kahorba kudoodi jiray dawlad loodhanyahay oo kumeel gaadh ah haladhiso. Laakiin PP uma joojin doonto sidaan uga baranay.

Xigasho ogaden24