Kevin De Bruyne ayaa ka difaacay Kyle Walker eedayn uga timid halyeygii Manchester United ee Roy Keane oo ku tilmaamay mid edeb daran oo liita.

Walker ayaa xili ciyaareedkan si joogto ah u ilaashanayay booskiisa difaaca midig, waxaase uu la kulmay dhalleecayn kulamada qaarkood, gaar ahaan qaladkii uu ku galay Sadio Mane ciyaartii Sabtidii usbuucii hore, taas oo keentay in rikoodhe lagu qabto uu gool u beddelay Mohamed Salah.

Roy Keane oo fadhiyey istuudiyaha telefishanka Sky Sports ayaa dhacdadaas kaddib ku tilmaamay Walker ‘mid edeb daran, una burburay sidii buur oo kale.’

Advertisements

Halyeyga United oo la ka  hadlayay rikoodhadaas ayaa yidhi: “Mar kale ayuu samaynayaa edeb-darro. Kyle Walker waxay dadka qaarkood leeyihiin si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa. Laakiin aniga sidaas ilama aha. Waxay ila tahay, in wiilkan ay da’diisu tahay 30 jir oo uu yahay ciyaartoy heer caalami ah.

“Wuxuu u burburay sidii baabuur oo kale. Wuxuu sii wadaa qaladaadka noocan ah, waxaanu u qalmaa in lagu ciqaabo.”

Kevin De Bruyne ayaa hadalkan ka jawaabay, waxaanu la saftay saaxiibkiisa Walker, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay waqtigan in Kyle tan iyo markii uu yimid kooxda, ay tahay xilligii uu bandhigga ugu wanaagsan joogteeyey.

“Marna ma dhaawacmin, waqti walbana wuu ciyaarayaa. Dhab ahaantii waa difaac wanaagsan oo la isku hallayn karo. Waxay ila tahay inuu shaqadiisa si wanaagsan u qabsado.”

Kevin De Bruyne waxa uu kala saaray Kyle Walker iyo difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo ay dadka qaarkood ku tilmaamaan difaaca ugu wanaagsan ee dhinaca midigta, waxaanu yidhi: “Way iska caddahay inaad isbarbar-dhigaysaan boosas kala duwan. Ma barbar-dhigi kartaan shaqada Kyle difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold.

“Trent inta badan waa weeraryahan, Kyle na wuxuu nooga ciyaaraa boos ka duwan, laakiin si fiicanna wuu u shaqaynayaa, waana taa sababta uu mar walba u ciyaarayay sannadahan. Waxay taasi caddaynaysaa inuu wanaagsan yahay.”

Kevin De Bruyne waxa uu intaa kaddib si cad ula hadlay Roy Keane, waxaanu yidhi: “Hagaag, waxa uu Roy Keane sheegay… waa qof ka duwan cid kastaana way garanaysaa taas. Laakiin, isaga (Keane) waa fikirkiisa, waanu isku noqon doonaa.”