IRAN (Dhexnimo Media )Xubin ka tirsan gollaha khubarada Iiraan ayaa u dhintaymaanta iyadoo wadanka laga soo sheegaayo 1,053 kiis oo cusub iyo 129 dhimasho ah oo cusub oo u dhintay coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.
Ayatollah Seyed Hashem Bathaee, oo ah 79-jir xubin ka ah Golaha Khubarada, wuxuu wakiil uga ahaa Tehraan shirkii lagu soo doortay golah 88-ka ah, oo ah mid ka mid ah goleyaasha dowladda ee ugu saameynta badan dalka Iiraan, wuxuuna awood u leeyahay magacaabidda iyo eryida hoggaamiyaha ugu sareeya.
Waxaa la dhigay isbitaal ilaa Sabtidii wuxuuna ku dhintay subaxnimadii Isniinta maant magaalada barakaysan ee Qom, sida ay qortay IRNA.
Ilhan Omar ayaa iyaana dhankeeda waxay ku baaqeysaa in cunaqabateynta laga qaado Iran xilli uu ka dillaacay xanuunkan dunida ku sii faafaya.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada dadka Iran ay gaadhay 853, iyadoo guud ahaan ay marayso tiradu 14,991 kiis. Waxaa kale oo ay sheegtay in 4,996 bukaan ay ka bogsadeen.
Iiraan waa dalka ugu cudurka xoog ugu faafay guud ahaan bariga Dhexe sida oo kalana waa dalka saddexaad ee uu xoog ugu faafay adduunka marka laga yimaado Shiinaha iyo Talyaaniga.
Ciidamada amniga dalka ayaa la faray inay nadiifiyaan wadooyinka wadanka oo dhan si ay u joojiyaan inuu virusku sii fido.
Baaxadda xaaladda ayaa ku kaliftay Bangiga Dhexe ee Iiraan inuu si rasmi ah uga codsado Sanduuqa Lacagta Adduunka $ 5 bilyan oo deyn ah oo lagula dagaallamayo cudurka, kaasoo ku fiday dhammaan gobollada.
Cudurkan galaaftay hoggaanka dhawr siyaasiyiin Iiraaniyiin ah iyo mas’uuliyiin, xukuumada ku jiraba waa la qaadsiiyay sida laga soo xigtay ilo ka ag dhaw masuuliyiinta iyada oo qaarna ay u dhinteen cudurka.
Ali Akbar Velayati, oo ah qofka ugu sareeya ee looga shakisan yahay cudurka ayaa ah lataliyihii Hogaanka Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei siyaasada arrimaha dibedda.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, Eshaq Jahangiri, ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu ka soo bogsaday “hargab” coronavirus ka dib markii ay soo baxeen in uu ku dhacay cudurku.
Kooxaha xuquuqda iyo mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku baaqay in cunaqabataynta Mareykanka laga qaado Iran si ay awood ugu siiso waaxda caafimaadka ee dalka in ay la dagaallanto dhibatada xanuunka iyada oo ay jiraan warbixino sheegaya baahiyo caafimaad oo aad u daran.
Cadiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeysa
info@dhexnimomedia.com
Cabdiraxmaan800@gmail.om