Marka laga yimaado inay ahaayeen kuwo aad u mashquulsanaa maalintii ugu dambaysay suuqa, taageerayaasha Man United ayaa ka cadhaysnaa in kooxdoodu ay lasoo saxeexan weyday Jadon Sancho.

Sidoo kale safka Red Devils ayaan daafac dhexe oo kale lagu soo xoojin iyadoo uu da’yarka RB Leipzig ee Dayot Upamecano ahaa midka halka ugu sarreysa kaga jiray liiska xulashada Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin haatan labada ciyaaryahan ayaa si isku mid ah uga fikiri kara inay u jihaystaan dhinaca gegida Anfield iyadoo Liverpool ka faa’idaysanaysa in Man United aysan wax muuqda ka qabsan suuqii xidhmay.

Ugu horreynba Reds ayaa isha ku hayn doona saxeexa Upamecano kaas oo qiimaha ku xidhan heshiiskiisu kaliya 36 Milyan oo Pound hoos uga soo dhici doono isagoo 54 Milyan oo Pound kasoo dhacaya.

Man United ayaa ahayd kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayay saxeexa Upamecano suuqyadii ugu dambeeyay iyadoo uu Solskjaer doonayay inuu kusoo xoojiyo safkiisa daafaca.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa lala xidhiidhinayay saxeexa Sancho kahor suuqan xidhmay balse Jurgen Klopp ayaa hoos u dhigay wararkaas isaga oo sheegay in qiimaha Sancho uu ahaa mid aad u sarreeya.

Si kastaba, Reds ayaan lacag badan bixinin suuqii dhammaaday taas oo dhalin karta inay saxeexa Sancho awoodaan sanadka dambe isla markaana ay sii xanuujiyaan nabarada Man United ee ah inay seegeen xagaagan.