Jahli Jahli Bartay Qaybta 2aad
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid

Cali yare hooyadii waxay go’ aan ku gaadhay inay wiilkeeda magaalada Hargeysa u dhaadhiciso si uu dugsiga Sarana u dhamaysto

Sidii ayay magaalada ku keentaay waxaanay la dajisay qoys ay qaraabo yihiin Oo magaalada dagana

Qoyskii Waxay kula dardarantay inay iyadu wixii qarash ah ee looga baahdo kolba neef u Soo iibin doonto haday bisha dugsiga Tahay iyo haday balacad ama dharka dugisga tahayba

Sidii ayaa lagu heshiiyay Oo wiilki hadana waxbarahadii wuu dhamaystay mudo 4 sano ah ayuu ka laacay walow aanu Cali yare kaalmaha ugu sareeya dugsiga ka galin hada qalin jabi

Markii uu dhamaystay dugsigii waxa hooyadii loo sheegay inuu wiilkeedi waxbarashdii dugsiga Sare dhamaystay aad iyo aad ayay u faraxday intay xaynteeda intii ugu macayd gaadho dhiga dheere ah Soo saartay ayay magaalada timid si ay wiilkeeda u aragto

Kadib Cali yare iyo hooyadii kulme iyagoo isku faraxsan
Mudo Yar kadib hadana wiilki wuxu u baahday inuu mar sadexaad hayaanka wax barashada sii wado ilaa heer jaamacadeed

Markii hooyadii arinka loo sheegay hadana waxay mar sadexaad ku calool adaygtay inay Jaamacada ka bixiso balse jab waa ka dambeeyee jaamacaduu mahaa kuwo ay bixin karto Oo xaynteeda yariba sanadka ugu horeeya ayay ku dhamaanaysaa

Lasoco Qaybta 3aaad Hadii Alle idmo