Jaceyl Guul Darrestay
Qaybta 2aad

Ka dib aqbalaadii ayee wax ay bilowday
in ay la hadasho balse ma uusan fadhinin
saxibkaa waa uu ka maqnaa sidaas
darteed wax ay u rebtay fariin aheyd “Ma
dhabaa mise waa dhallanteed,waxa ayna
u raacisay hadii aad tahay nasiibkii
aduunka ana waxaa ahay nasiibkaas hoos
kiisa kkkkkk”
Saacado ka dib waxa ay heshay farintii ay
dirtay jawaabtiisa oo aheyd waxba kama
qabo hadii aan helay hoos aan ku ilaaliyo
nasiibkeyga.
Halkaas ayaa waxaa ka bilowday sheeko
cabaadh socotay oo la isku xog warreystay
midba midka kale.

Nasiibkii aduunka waxa uu noqday wiil ku
nool magaalada Muqdisho ahna arday
dhigto mid ka mid ah Jaamacadaha ku
yaal caasimda waxa uuna ka bartaa
kulliyada beeraha, waxa uuna la nool
yahay hooyadii iyo Abtigii la dhashay
hooyadiis, kaas oo qaaday masuliyadiisa
ka dib markuu Aabbihii ku geriyooday shil
gaari oo uu darawal ka ahaa, wiilka ayaa
lagu magacaabaa Haaruun.
Hodan iyo Haaruun ayaa isku fahmay in
ay u sheekeystaan si labo ruux oo walaalo
ah waa ayna ku qanceen labadooda
go’ankaas.
Mudo bil ah markii uu socday xiriirkii
walaaltinimada ahaa ayaa Hodan waxa lasoco qaybta 3aad

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/ Hargeysa
Info@dhexnimomedia.com