Itoobiya oo Mamnuucday in diyaaradaha Dul maraan Biyo Xidheenka Wabiga Niil
Dowlada Itoobiya ayaa soo saartay amar diyaaradaha shacabka iyo kuwa xamuulka qaada looga mamnuucayo in ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz oo ah goobta laga dhisay biyo xireenka Wabiga Niil.
Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada Itoobiya korneel Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa sheegay in diyaaradaha laga mamnuucay in ay dul maraan ama u dhawaadaan goobta laga dhisayo biyo xireenka Wabiga Niil.
Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayuu sheegay in loo oggolaan doono.
Sida ay ku waramayaan Warbaahinta dalka Itoobiya sababaha diyaaradaha looga mamnuucay in dul maraan biyo xireenka Wabiga Niil ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa dhinaca amniga iyo cabsi soo korortay.
Taliyaha ciidamada cirka dalka Itoobiya, janaraal Yilma Merdasa, ayaa dhawaan shaaciyay in ciidamada cirka ay casriyeeyeen diyaaradaha dagaalka isla markaana ay awoodaan inay biyo-xireenka ka difaacaan weerar walba oo cadowgooda uga yimaada.
Biyo Xireenka Itoobiya ka dhiseyso Wabiga niil oo ah kan ugu weyn ee Afrika ayaa khilaaf xoogan ka dhax abuuray dowladaha Itoobiya, Sudan iyo Masar, waxaana marar badan laga digay in khilaafkaasi biyo xireenka ka dhashay uu dagaal isku bedelo.