Ismaamulka Tigeryga Ethiopia Oo Saaka Si Caadi Ah U Qabsaday Doorashadoodii ( Warbixin)

Doorashada Ismaamulka Tigeryga Ethiopia ayaa saaka looga dareeray guud ahaan deeganada Ay maamulaan Tigraygu

Goobaha codbixinta ayaa la furay 6-dii subaxnimo ee saaka oo arbaca ah guud ahaan buuraleyda waqooyiga gobolka Tigrayga

Itoobiya waxay ahayd inay qabato doorashooyin qaran bisha Ogosto, laakiin hay’adda codbixinta qaranka ayaa ku dhawaaqday bishii Maarso inay u baahan doonaan in dib loo dhigo doorashooyinka cudurka Covid19 dartiis.

Hogaamiyaasha Tigreega ayaa diiday kordhinta wakhtiga taas oo dhici lahayd bisha Oktoobar iyagoo ku doodaya in Abiy uusan yeelan doonin wax sharci ah intaas kadib.

Go’aankooda ah inay kaligood qabsadaan doorashooyin iyaga u gaar ah waxay si cad u qiimeeyeen saraakiisha federaalka kuwaas oo sheegay inaysan “lahayn wax sharci ah” ayna yihiin “wax aan waxba ka jirin”.

Magaalada caasimadda u ah ee Mekele qaar ka mid ah codbixiyayaashu oo raygooda ka dhiibtay waxay ku doodeen.

“Waxaan dooneynaa in dowladda federaalka ay cashar ka qaadato tan: Waxay u baahan yihiin inay qabtaan doorashooyin, sidoo kale, si aan uga wada shaqeyno dhismaha dalka,” ayuu yidhi Hailay Haileselassie, oo ah 37-jir u shaqeysa shirkad dhisme.

“”In kabadan 600 oo musharax oo ka socda shan xisbi ayaa u tartamaya 152 kursi baarlamaaneed ee gobolada Tigrayga xisbiyadu waxay go aansan doonaan sida loo qoondeeyo 38ka kursi ee hadhsan”” ayuu yidhi
gudoomiyaha doorashada
Muluwork Kidanemariam.

Xisbiga ugu cadcad ee ugu awooda badani waa Jabhadda Xoreynta Dadweynaha ee Tigreega (TPLF), oo horseed ka ahayd halgankii hubaysnaa ee lagu ridayay xukunkii Dhergiga-ga ee 1991-kii una sii gudbay gacan ku haynta xukunka Guud ahaan itoobiya mudo

Dhanka Xukuumadda Abiy Ahmed oo lagu canaantay wax ka qabasho la’aanta doorashada sharci darada ah sida ay sheegeen baarlamaanka itoobiya ayaa ka biyo diiday Awood military inuu u adeegsado

Abiy Ahmed Oo oo ka hadalay ayaa yidhi’ “” Shacbka Tigrayga inaan u diro Xabad waxan ka doorbidayaa inaan u diro Xabad facemask ah”

Xukunka Tigrayga ayaa waxa isugu biyo shubtay ragii ugu awooda Badnaa xukunkii hore ee Ethiopian kaas oo ay adagtay in talaabo Milatari Laga qaado waana sababta uu Abiy Ahmed hadalkaa u leeyahay.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo media/ Hargeisa
Email: cabdiraxmaan800@gmail.com