Laacibka khadka dhexe ee Manchester United, Nemanja Matic ayaa shaaciyey xiddiga kooxdiisa ee ay xirfaddiisa ciyaareed sida buuxda u dhamaystiran tahay, kaas oo isaga oo da’yar saamayntiisa si weyn looga dareemay Old Trafford.
Tan iyo bishii January, waxa Manchester United isbeddel ku sameeyey saxeexa cusub ee reer Portugal ee Bruno Fernandes oo ay dad badan ku tilmaameen inuu la meeqaam yahay xiddigihii hore ee khadka dhexe ee kooxdaas soo maray, sida Scholes iyo Roy Keane, hase yeeshee tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxa uu ku sifeeyey Veron iyo Scholes oo la isku daray.
Matic waxaas oo ammaan ah laacibka loo jeediyey indhihiisu ma aanay qabannin, waxaanu Old Trafford ka dhex arkay laacib kale oo dhamaystiran oo hadda kasoo laabtay dhaawac, waana 23 jirka Scott McTominay.
Advertisements
“Waa ciyaartoy aad muhiim noogu ah, waana xirfadle tayo badan iyo dhaqan wanaagsan leh. Waxaan jecelahay inaan daawado sida uu u tababarto iyo sida uu u ciyaaro. Waan hubaa in 10-ka ama 15-ka sannadood ee soo socda uu noqon doono ciyaartoy aad muhiim ugu ah United. Maalin kasta waxa ugu wanaagsan ayuu siiyaa, taasina waa farqiga u weyn ee ciyaaryahannada kale u dhexeeya.” Ayuu yidhi Nemanja Matic.
Nemanja Matic oo hadalkiisa sii wata, waxa uu raaciyey: “Waxa uu leeyahay maskaxdaas. Waxaan arki karaa naftayda toban sannadood ka hor. Sida uu ciyaaraha u waajahayo, sida uu u dhegaysanayo tababareyaasha iyo ciyaartoyga. Scott waa ciyaartoy dhamaystiran, xaqiiqdiina waxa uu leeyahay wixii ay Manchester United u baahnayd.”

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/ Hargeysa
Info@dhexnimomedia.com