Xilli ciyaareed ilaa haatan ahaa mid layaab leh oo ay ku dhibtoodeen badi kooxaha Premier League ayay hoggaanka ilaa hadda haysaa Manchester City taas oo ugu dambayn jaanta isla heshay kulamo xidhiidh ahna guulo gaadhaysa.

Manchester City ayaa Sabtidii dhigeeda dhibtoonaysa ee Sheffield United ka gaadhay guusheedii 12-aad ee xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Kaddib qaab ciyaareed isku dhafan oo ay ku bilawdeen horyaalka, Manchester City ayaa u muuqata mid u xoogan sidii 2017-18 iyo 2018-19 markaas oo ay horyaalka qaadeen iyadoo waliba doorkan daafacoodu yahay mid xadiid ah.

Sky Blues ayaa hadda saddex dhibcood ka sarreeya kooxda booska 2-aad ee Manchester United iyagoo waliba kulan baaqi ah haysta.

United ayaa soo qaadatay toddobaad niyad jab ah kaddib markii ay guuldarro kala soo kulantay Sheffield kahor inta aysan bar-bardhac lasoo gelin Arsenal.

Dhinaca kale Liverpool ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay magaalada London guulo kaga soo gaadhay Tottenham iyo West Ham United iyaga oo min 3-1 ku dilay iskagana reebay habaarkii guul la’aanta horyaalka ee 2020.

Haddaba, waxaanu halkan hoose idinkula wadaagaynaa min 10-ka kulan ee ugu soo horreeya ee kusoo wajahan labada Manchester iyo Reds oo ah saddexda kooxood ee hadda ugu sarreeya horyaalka.

Man City

Feb 3: Burnley (A)

Feb 7: Liverpool (A)

Feb 13: Tottenham (H)

Feb 21: Arsenal (A)

Feb 27: West Ham (H)

March 6: Man Utd (H)

March 13: Fulham (A)

March 20: Wolves (H)

April 3: Leicester (A)

April 10: Leeds (H)

Man United

Feb 2: Southampton (H)

Feb 6: Everton (H)

Feb 14: West Brom (A)

Feb 21: Newcastle (H)

Feb 28: Chelsea (A)

March 6: Man City (A)

March 13: West Ham (H)

March 20: Crystal Palace (A)

April 3: Brighton (H)

April 10: Tottenham (A)

Liverpool

Feb 3: Brighton (H)

Feb 7: Man City (H)

Feb 13: Leicester (A)

Feb 20: Everton (H)

Feb 28: Sheff Utd (A)

March 6: Fulham (H)

March 13: Wolves (A)

March 20: Chelsea (H)

April 3: Arsenal (A)

April 10: Aston Villa (H)

 

Haddaba adigu akhriste kooxdee ayaad u aragtaa mida jadwalka ugu wanaagsan haysata saddexda kooxood min tobbanka kulan ee ugu soo horreeya isla markaana bisha April hoggaanka ku gaadhi karta? aragtidaada nagula wadaag qaybta hoose ee faalooyinka.