Idaacadaha BBC iyo VOA Somali: Waraysiyadii Waxa ay Kooto ugu xidheen Afar Aqoonyahan. (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Reerka Ciisaha ayaa marka ay garta qaadayaan ku furta “XADHIG OO DHAN WAX MA XIDHEE XIG MA LA HAYAA”? Sidaasi oo kale, Marka ay timaado waraysi iyo falanqeyn ku saabsan arrimaha cakiran ee dadyowga Soomaalida ah ee ku dhaqan geeska afrika, waxa ay labadan idaacadood waraysiyo joogto ah ka qaadaan afar aqoonyahan oo ay ummadda Soomaalida horwadaan muddo dheer. Miyaa la waayey kuwa lagu beddelo oo aan ahayn kuwan aad moodo inay ‘Share’ ku leeyihiin labadan idaacadood ee xayeysiiska joogta ah codkoodu uga baxo idaacadahan? Jawaabtu waa maya, waxa se jirta siyaasad ay wataan madaxda labadan idaacadood oo iyagu go’aanka iska leh hadba wixii la baahinaayo. Arrinta la yaabka lehi waxa weeyi markii uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu beddelay fikirkiisii Soomaaliya waa mid oo uu Somaliland u soo noqday ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay inay waraysi ka qaadaan labadan idaacadood. Afar aqoonyahan oo qaarkood ay cunsuriyiin yihiin oo dafira jiritaanka ummad dhan ayaa dood kasta laga soo qaybgeliyaa, waana afartan hoose:
= Dr. Ibraahin Faarax Bur-saliid: Wuxuu ku soo koray Kismaayo ilaa heerkii waxbarashadiisii hoose, dhexe, sare iyo jaamacaddii. Markii Siyaad Barre oo adeerkii ahaa dalka xoog lagaga saaray wuxuu u qaxay Kiiniya caasimad Nayroobi. Waxaanu sii watay waxbarashadiisii oo wuxuu ku diyariyey shaahada ‘PhD’. Macalin ayuu ka noqday jaamacadda Nayroobi, waxaanu dhigayey culuunta siyaasadda iyo xidhiidhka dibada. Wuxuu caan ku yahay inuu xaqiro gooni-isu-taagga Soomaalilaan oo aanu isagu ogaleyn. Xittaa wuxuu soo gaadhay in Soomaalilaan wixii doorashooyin ka dhacay ay aqoontiisu dafirto oo dareenkiisa shakhsiga ahi uu ka xoog bato. Malahayga wuxuu ku colaadinayaa burburkii ay SNM u geystay dawladdii adeerkii Siyaad Barre.
= Dr. Xuseen Warsame: Wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga ka dhigaa jaamacadda Calgary ee dalka Kanada, gaar ahaan ‘ Haskayne School’. Wuxuu shahaadada Phd ku diyaariyey maamulka xisaabaadka. Waa nin reer Soomaalilaan ah, balse aan aaminsanayn gooni-isu-taagga Soomaalilaan. Wuxuu ahaa gacanta midig ee Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka hor intii aanu beddelin fikirkiisii uu ku diidanaa Soomaalilaan, ee aanu quusta kala iman musharaxnimadii madaxtinimo ee uu Soomaaliya u doontay. Kooxdaa uu Dr. Xuseen Warsame ka tirsanaa ee ku soo caanamaashay Soomaalilaan nacaybka way kala xidhiidh furteen markii ay ka baxeen Prof. Axmed I Samatar iyo Prof. Cali Khaliif oo ay u soo noqdeen Soomaalilaan.
Dooddii uu qabtay machadka Heritage ee dhacday 2018 Jabuuti, ayuu Dr. Bulxan ugu caqli celiyey in haddii maanta ay isku biiraan Soomaalilaan iyo Soomaaliya uu Dr. Xuseen Warsame deegaankiisu uu 2% ka heli doona saamiga la siiyo Soomaalilaan. Markaa uu Xuseen wax ku yahay Soomaalilaan oo uu 8 sanno madaxweyne ka ahaa iyo dhawr iyo labaatan sanno oo madaxweyne ku xigeen uu ka ahaa. Waxaad ku garataa inuu cidlo taagan yahay berigii dhaweyd ee AHN Qoraa Maxamed Baashe X. Xasan uu soo bandhigay fikirkiisii ahaa ‘MAR KALE MIDNIMO’ wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ku taageera fikirkaasi. Haatan waa keli socod waayey xulufadii sharka ee isku bahaysatay Soomaalilaan diidka.
= Dr. Afyare Cabdi Cilmi: Wuxuu ka soo jeedaa Muqdisho, waxaanu ka mid ahaa dadkii qurbaha u shaqo tegay. Maaha nin codkar ah sida kuwa kale ee aynu sare ku soo sheegnay. Wuu se is-ilaaliyaa inuu toos colaad ugu muujiyo Soomaalilaan. Markaad dhuuxdid fikirkiisa wuu diidan yahay isaga oo aan si cad u sababayn sida kuwa aynu xagga sare ku soo sheegnay. Wuu qiraa waxa wanaagsan ee Soomaalilaan u qabsoomay. Waa qunyar socode af-gaaban, wuu se la dhacsan yahay waxqabadkii Kacaankii Af-weyne oo inta badan fikiradihiisa ka muuqata. Jamaacadda Qadar ayuu macalin ka yahay, waxaanu dhigaa siyaasadda caalamiga ah. Buugiisa keliya ee “ Understanding the Somalia conflagration: identity, Political Islam and Peace building” ayaa ka dhadhansanaysaa sidii u cabsan yahay waxqabadkii Kacaankii Maxamed Siyaad.
= Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar: Waa nin reer Soomaalilaan, kana soo jeeda gobolka Awdal. Wuxuu shahaadada ‘PhD’ ka diyaariyey jaamacadda California sannadkii 1985. Waa macalin Juquraafi, waxaanu madax ka yahay machadka Juquraafiga ee jaamacadda Minnesota. Xagga Soomaalilaan nacaybka, hore waxa ay isku fikir u ahaayeen walaalkiisa ka weyn Axmed Ismaaciil Samatar, hasayeeshee markii dambe ee musharax madaxweyne u doontay Soomaaliya ee uu ka soo qoostay ayuu beddelay fikirkiisii. Prof. Cabdi weli wuxuu aaminsan yahay in Soomaalilaan aanay xaq u lahayn inay dawladnnimadeedii soo ceshato. Waxa aan shaki ku jirin inay saameyn ku leedahay xaaskiisa oo reer Puntland ah, oo mararka qaarkood uu ku hadlo erayo ka mid ah kuwa Puntland lagaga hadlo. Madaxweyne hore Aadan-Cadde ayaa lagu haystay inay xaaskiisa oo reer Puntland ahayd ay taladiisa saameyn ku lahayd.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@gmail.com