Hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka ee la sumeeyay oo la xidhay
Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa la sheegay in la xidhay ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sumeyn loo adeegsaday sunta waxyeeleysa neerfooyiinka.
Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorada ee garoonka.
Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.
Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushka