Heestii Ma’dad: Jacayl Lagu Muraadsaday
Waxa qaada fanaanka
Maxamed Aadan Dugsiiye
Milay waagu dhawyahay
Mahiigaan hawaarsaday
Masku galay godkiisii
Qalbi maal iblays jira
Rahama qoor ka ciyayana
Madadaalo ugu taga
Wanqashiisa murugooy
Maqal laguma korinine
Ma’dad,ma’dad,ma’dad
Jacayal lagu muraadsaday
Mahdi loo wardaranyahay
Mahuraana dayrshee
Martiqaaday wiiradu
Marxal lagu caweysimay
Nabsi midho ku daadshoo
Masar looga haajiray
Wakhtiga u mirkacayoow
Mudo looma qabanine
Ma’dad, ma’dad,ma’dad
jacayl lagu muraadsaday
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar