Diinyow gurguurtaa
Dacawgiyo waraabiyo
Kuma cuno dugaaguyee
Wadka oo ku dila iyo
Dar Ilaahay mooyee
Dadna kuma ugaadhsadoo
Dalyaqaana waa tee
Dabuubtayda maqaloo
Tii laygu dawgalay
Ducadiyo salaantaa
Ha dayicine gaadhsii
Deeqa waxaa tidhaahdaa
Dawadii naftayday
Kuma aan dalyeyninee
U dulqaado waayahaa
Diinyow gurguurtaa
Waxa dibad galoo idil
Adigaa u da’ weynoo
Waxaad tahay duqoogiyo
Nabadoonadoodii
Dagaal aanan gelinee
Derajada lahaayee
Dadka wada yaqaanee
Tii laygu dawgalay
Ducadiyo salaantaa
Ha dayicine gaadhsii
Deeqa waxaa tidhaahdaa
Dawadii naftaydaay
Kuma aan dalyeyninee
U dulqaado waayahaa
Diinyoow guguurtaa
Waxaan kuu durraansaday
Haadda kaaga doorbiday
Abaar dunida gaadhiyoo
Ma dareentid oonkoo
Laf duraayo laga tagay
Hunguri kuma dulgeeyoo
Kuma damaqdo gaajee
Tii laygu dawgalay
Ducadiyo salaantaa
Ha dayicine gaadhsii
Deeqa waxaa tidhaahdaa
Dawadii naftaydaay
Kuma aan dalyeyninee
U dulqaado waayahaa ”
Qorida: Cabdiraxmaan Rashiid