Qoraalka sawirka,Ms Zhou waxay ahayd taliyaha ugu da`da yar ee barnaamijka Dayaxa ee Chang’e-5

Haweeney 24 sano jir ah oo ah taliye dhanka saldhigga hawada sare, ayaa qabsatay baraha bulshada Shiinaha iyadoo lagu ammaanay doorkeeda howlgalka Dayaxa lagu tegay ee Shiinaha ee loogu magacdaray Chang’e-5.

Ka sokow in ay tahay taliyaha ugu da’da yar, Zhou Chengyu waxaa loo yaqaannaa “walaal weyn” taas oo ah calaamad xushmad loogu muujinayo.

Howlgalka Chang’e-5 waa midkii saddexaad ee Shiinuhu uu si guul leh ugu tago Dayaxa, muddo toddoba sano gudahood.

Zhou waxay qaabilsaneyd hannaanka isku xirka gantaalka – taas oo lagu sheegay door muhiim ah.

Ms Zhou has been described in state media as a "big sister" that young Chinese can look up to
Qoraalka sawirka,Ms Zhou ayay warbaahinta Shiinaha ku tilmaameen “walaal weyn” oo ay da` yarta Shiinaha ku dayan karaan

Gabadhan da’da yar ee cirbixiyeenka ah ayaa qabsatay barta Bulshada Shiinaha ku wada xiriiraan ee Weibo, tan iyo markii ay warbaahinta Shiinaha ay soo bandhigeen inay ka mid ahayd haweenkii ku lugta lahaa howlgalkii guuleystay ee Dayaxa lagu tegay ee Chang’e-5, 23-kii November.

Sheekadeeda ayaa xiiso yeelatay ka dib markii la eegay da`deeda. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa taas ku ammaanay iyagoo sheegay inay sumcad u tahay dalka.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dadka qaar ayaa ku kaftamay sida ay nolosha uga dhacsan yihiin iyaga oo is barbardhigayaan haweeneydan.

Arrinta la xiriirta in ay ka soo jeeddo gobolka Guizhou, saameyn weyn kuma yeelan. Sida laga soo xigtay barta Duocai Guizhou Net, gabadhan, Zhou, ayaa diiday codsiyo badan oo wareysi lagula yeelan lahaa iyadoo sheegtay in aysan dooneynin in caannimada ay ka hor istaagto shaqadeeda.

Ujeeddada Chang’e-5 wuxuu ahaa in dhagaxaan iyo ciid laga soo ururiyi Dayaxa si saynisyahannada looga caawiyo in ay wax badan ka bartaan qaadka ay bisha u sameysan tahay.

Pano with flag
Qoraalka sawirka,Chang’e-5 ayaa caga dhigtay waqooyi-galbeed Dayaxa, iyadoo calanka Shiinaha laga taagay sida ka muuqata dhanka midig

Haddii uu guuleysto, wuxuu noqon doonaa howlgalkii ugu horreeyay ee in ka badan 40 sano, ciid iyo dhagaxaan laga soo qaaday Dayaxa lana keeno dhulka, wuxuuna Shiinaha ka dhigi doonaa dalkii saddexaad ee sidaas sameeyay, marka laga soo tago Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeetka.

Howlgalka wuxuu qeyb ka yahay dedaalka uu Shiinuhu ugu jiro inuu noqdo quwad dhanka hawada ah, iyadoo Madaxweyne Xi Jinping uu ugu yeeray in howlgalkaasi uu yahay tallaabo dhanka horumarka loo qaaday.

Gudaha Shiinaha, tagitaanka Dayaxa waxaa loo arkaa hab uu dalkaas ku soo bandhigayo teknolojiyaddiisa sii kobceysa, iyo sidoo kale in uu muujiyo quwaddiisa in ay ka mid tahay kuwa caalamka.

Prof Ouyang Ziyuan, oo ka mid ah saynisyahannada ugu waaweyn dalkaas, ayaa sannadkii 2006 u sheegay wargeyska Shiinaha laga leeyahay ee People’s Daily :”Tegitaanka Dayaxa wuxuu sawir ka bixinayaa quwadda dalka.”

Sannadkii la soo dhaafay, Shiinaha ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ku guuleysta in dayax-gacmeed aan lala socon uu u diro dhanka fog ee Dayaxa. Tobnaanka sano ee soo socda, wuxuu Shiinaha qorsheynayaa inuu xarun baaritaan ka dhiso Dayaxa isla markaana uu dad u diro meeraha Mars.

line

Kerry Allen, oo ah falanqeeye ka tirsan warbaahinta Shiinaha

Pictures of 24-year-old Zhou Chengyu have been all over state media in China
Qoraalka sawirka,Sawirrada Zhou Chengyu oo 24 jir ah ayaa la isla dhex marayay baraha bulshada

Howlgalka Shiinaha ee dayaxa wuxuu ku caan baxay haween awood leh oo qeyb ka ahaa. Sidaas darteed, sawirka Zhou Chengyu oo 24 jir ah ayaa lagu hadal hayay dhammaan baraha bulshada Shiinaha.

Waxaa laga bixinayaan faallooyin ku aaddan sida ay u tahay “sarkaal safka hore kaga jirta howlgalka hawada” iyo in ay tahay “walaal weyn” oo ay dadka Shiinaha ee da’da yar ku dayan karaan.

Shiinaha ayaa si weyn isugu dayayay inuu muujiyo haweenka awoodda leh ee dalkaas. Hoggaanka sare ee dalkaas waxaa ka buuxa rag, balse bishii November, wargeyska Global Times ayaa ka codsaday dadka in ay faallo ka dhiibtaan horumarka sannadkan ay gaareen haweenka, sida haweeneyda ku taqasustay sayniska caafimaadka ee Chen Wei, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Hua Chunying, iyo dagaal hayannadda ka tirsan UFC, Zhang Weili.

Balse dad badan oo Shiinaha ku nool waxay dareemayaan in doorka haweenka ee dalkaasi uu weli daah saaran yahay, ayna ka qatan yihiin meelo badan sida warshadaha.

Arrintan waxaa aad looga hadlay bishii September, markaas oo ruwaayad ka baxday telefishin oo looga hadlayay doorka haweenka ee la dagaallanka Covid-19 ee Shiinaha loo arkay in ay ahayd mid takoor dhanka jinsiga ah.