(Sawirro) Haweeney xabsi ku muteysatay sawir ay ku gashay Buundada Lakshman Jhula
Ciidamadda amaanka ayaa magaaladda waqooyiga India ku taala ee Rishikesh ku xiray haweeney Faransiis ah oo lagu eedeeyey iney iyadoo qaawan muuqaal isaga duubtay buundo ay dadka hinduga ah ee ku nool halkaas u cibaadeysi tagaan oo lagu magacaabo Lakshman Jhula.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warrantay in muuqaalka haweeneydan oo qaawan lasoo dhigay baraha bulshada, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay dhaqanka iyo sharciga dalkaas.
Haddii lagu helo dembiga lagu soo eedeeyay waxaa laga yaabaa in lagu xukumo saddex sanoo xarig ah.
Buundada oo ku dul taalo wabi ku yaala magaalada Rishikesh ayaa ah goob caan ka ah dalkaas oo ay siyaartaan dadka Hinduuga iyo dalxiisayaasha.
“Gudaha dalka Faransiiska, waxay sameysay kama ahan wax la dhibsado balse Rishikesh waa goob la siyaarto, gaar ahaan Lakshman Jhula,” ayuu yiri RK Saklani oo ah taliyaha booliska ee saldhigga haweeneydan lagu xiray.
Haweeneydan oo lagu soo daayay damiin ayaa booliska u sheegtay in sababta ay isaga duubtay muuqaalka ay tahay sidii ay xayaysiin ugu sameyn lahayd ganacsigeeda dahabka.