Tababarayaasha kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ee Zinadine Zidane iyo Jurgen Klopp ayaa ka hadlay kulanka labadooda dhinac ku dhex mari doona wareega siddeeda ee Champions League kaddib isku aadkii la sameeyay shalay.

Advertisements

Real Madrid ayaa kulanka koowaad ee labada dhinac dhex mari doona kusoo dhawayn doonta Liverpool gegida Alfredo Di Stefano kahor inta aan lugta labaad ka qabsoomin Anfield.

Liverpool put huge fee on Klopp amid worrying Real Madrid claim | TEAMtalk

Arrinta kale ee qalbi xanuunka ku ah Los Blancos ayaa ah inay inta u dhaxaysa labada kulan ee Liverpool la ciyaarayso kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona kulan El-Classico ah

Zidane ayaa aaminsan in kooxdiisu ay ciyaari doonto kulan adag oo awood jidh ahaaneed aad muhiim uga noqon doonto dhinaca kale Klopp ayaa sheegay inuu isku aadkaai yahay mid wanaagsan maadaama marka aad eegto dhammaan kooxaha kale ee tartanka ku jiraaba ay yihiin kuwo adag.

Advertisements

Zidane ayaa yidhi “waynu ognahay adayga heerkan, waxa uu noqon doonaa kulan dadaal badan u baahan gaar ahaan dhinaca jidh ahaaneed”

Dhinaca kale Klopp ayaa isaguna yidhi “Waa mid xiiso leh, mid xiiso badan, sida iska cad waa isku aad adag laakiin dhib kuma qabo sababtoo ah haddii aad eegto kooxaha kale waxaad ku fikiraysaa ‘Ala ilaahayaw’ sababtoo ah dhammaantood waa kuwo xoogan waxaana ay dhammaan leeyihiin tayo, taasi way cadahay”

“Kaliya laba sano kahor ayay ahayd markii aanu iyaga wajahnay anagana habeen nagu adag ayuu ahaa, sidaas darteed inaanu helno fursada aanu iyaga markale kula ciyaaraynaa waa mid cajiib ah”