Sida qaalibka ah waxaynu nahay ummad Islaam ah oo raacda kuna dhaqanta hadalkii Ilaahay iyo sunnehii Rasuulka SCW, waana waxa innoo sahlay innaynu lahaano akhlaaq wanaagsan , waayo waxaynu raacaynaa hage la raaco hagihii ugu mudnaa oo ah Qur’aanka kariimka ah .Ilaahay SWT ayaa innoo abuuray innaynu ku dhaqnaano dunidan korkeeda kuna caabudno.

Si jiritaanka bini aadamku uu unoqdo mid tafsiir reeba oo aan dabar go’in waxaan meesha ka maqnayn innay tarmayaan iyagoo maraya hab is calmasho ah oo ka duwan noolayaasha intooda kale .Waayo , aadanuha wuxuu Ilaahay u soo rogay in habkan is calmashada ahi uu yeesho nidaam sharci ku salaysan oo loo yaqaano Guur . Guurka ka dib waxaa samaysma unug bulhseedka ugu yar  oo ah Qoys.

Hase yeeshee, guurku waa heshiis ka dhexeeya Nin iyo Gabadh oo ku salaysan  ka raali ahaanshaha ugu badan ee u dhexeeya labadooda , tiiyoo ayna jirin awood sheegasho mid lagu dulmiyi karo . Intaa waxa dheer shareecada ayaa jideynaysa hanaanka uu guurku u dhacayo iyo shuruudaha looga baahan yahay, balse waxaynu si yar oo kooban halkan ugu soo qaadan doonaa sharax yar oo kooban oo ina tusinaya sidee ayuu u noqon karaa guurku , mid guulaysta inagoo ka eegayna xaga bulshada iyo habdhaqanka tolmoon ee yaraynaya khilaafaadka iyo is-fahan la’aanta ka dhex dhalan karta lamaanaha.

Hase ahaatee, waddankeenan (Soamliland) waxad moodaa inaanu lahayn xarumo si gaar ah loo leeyahay oo  loogu tallo galay inay bixiyaan tallooyinka lamanaaha (Marriage Counselling Centers )  si loo helo is-fahanka ugu badan ee dad is–fahmi karaan waa in lamaanuhu yihiin kuwo isku qancsan , si aaminsan, dareemayo midba mid ka kale waxa uu tabayo iyo heerka ku qanacsananta nolol-wadaaggooda.

Hadaba daarasado badan oo lagu sameeyayay xaasas kala duwan waxaa la ogsoonaaday oo laysla qaatay in ay jiri karaan xuquuqo iyo masuuliyaddo lamaanaha ay lagama maar-maan atahy in la tixgaliyo , si is fahankoodu u noqdo mid guul laga gaadho oo ay ku yaryihiin khilaafyada iyo kala fogaanshuhu, waxaana kamida , in lamaane kastaaba uu xaq u leeyahay ;

Ninka iyo Gabdhuba waxay xaq u leeyihiin inuu midba midka kale ka haysto filsho wanaagsan , si is aaminka ugu badn loo abuuro .Hadii uu midba midka kale ka haysto filasho khaldan waxay keenaysaa in uu diciifo xidhiidhkoodu.

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyihiin  in midkasta uu ka kale la garab joogo taageero naf-saani ah si ay isula dareeman xaalad kasta oo ay ku suganyihiin. Tani waxay fududaynaysaa innay qalbi ahaan isku xidhnaadaan lamaanuhu

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyihiin inuu midba midka kale maqlo, uguna jawaabo si qadarin iyo mudnaani ku jirto , si kor loogu qaado hirasha iyo kalsoonida lamaanaha.

Ninka iyo Gabdhuba waxay xaq u leeyihiin inuu midba midka kale hadii uu doono ka arragti duwanaan karo .In la kala arragti duwaanaadaa maaha in la kala mad-hab iyo diin duwanyahay laakiin waxaa loola jeedaa in nolosha sida uu mid u arko , si da duwan kan kale u arki karo.Taasina waxay kor u qaadaysaa inaanay fikrad ahaan iskaga hor imanin lamaanuhu.

Ninka iyo Gabdha , wuxuu mid kastaaba xaq u leeyahay inuu soo bandhigi karo dareenkiisa iyo xaaladda uu dareemayo , iyo waliba sida uu u dareemayo.Tusaale , hadii uu lamaanaha midi wax taba’nayo ama cadhaysanyahay waa inuu soo bandhigi karo sabaha ka cadhaysiiyay iyo waxay daaranyihiin  .Lakiin , hadii aanu soo bandhigin wax xal ah ama bogsi ah inaan laga gaadhin ayaa suurtoobi karta .Tani waxay sah laysaa in taba’sho iyo tognaan kast lasyla ogsoonaado , amaba la xaliyo wixii tabni ah.

Ninka iyo Gabdhuba , waxay xaq u leeyihiin inuu midkastaaba helo raali galin dhab ah hadii ay jirto kaftan uu/ay  u arkay inuu ka dhan yahay ama u arko dambi laga galay inuu yahay. Waxay ula jeedada xuquuqdani tahay inaanay lamaanuhu is dhaawicin qalbi ahaan .Waayo , kaftankani hadii u ka xanaajiyay labada lamaane mid ahaan wuxuu keenayaa khilaaf .

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyahay inuu bixin karo su’aal la xidhiidha jawaabteeda.Si uu u qanciyo midka kale, tusaale  ahaan ,

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyihiin inay ka madaxbaannaadaan eedaynta kan kale ,iyo is canbaaraynta. Waayo , hadii eedayn iyo is xaqiraadi meesha timaado waxaa gabi ahaanba khal khal soo galayaa xidhiidhkoodi.

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq-u leeyihiin inaanu midna midka kale dhaleecaynin , si joogta ah .Waayo dhaleecaynta iyo dhaliisha faraha baddani qofka waxay ku yeelan kartaa saamayn caafiimaad.

Ninka iyo Gabdhuba waxay xaq u leeyihiin inuu mid kastaaba shaqaysan karo , raacana karo danno ganacsi oo isaga u gaar ah , dantiisana loogala hadli karo si xishmad iyo karaamo ku jirto.

Ninka iyo Gabdhuba waxay xaq u leeyihiin inuu midba midka kale ka helo dhirri galin togan , taasi waxay keenaysaa in xidhiidhkoodu fiicnaado , kalsoonidooduna ay sii korodho.

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyihiin inay ka madaxbannaadaan handadaad kaga timi ka kale oo u gaysanaysa dhaawac jidhed, daereen ahaaneed, iyo maskaxeedba.Tani waxay sheegaysaa inay yaraato khilaafka iyo nacaybka ka dhalan kara lamanaahu hadii ay iskula kacaan facaailo aar-goosi ahna, inay saamyn taban ku yeelan karto gabi ahaanba noloshooda.

Ninka iyo Gabduba waxay xaqu leeyihiin inaanu midna midka kale ugu yeedhin magac qiimo rid ku keenaya. Tusaale, raga qaar baa wxay yidhaahdaan kalmado aad u qalafsan markan haweenkooda u yeedhayaan sida “ Naayaahe” kalmaddanina waa laga wanaagsan yahay akhlaaq ahaan.

Ninka iyo Gabadhuba waxay xaq u leeyihiin in midkastaba marka su’aal lawaydiinayo loo waydiyo si qadarin leh, laakiin aan loo waydiinin hab amar ku jiro.

Ugu dambahntii muhiimada ku duugan in lammaanuhu si xasilooni ah u wada noolaad wa sidii loo helilahaa jiillal cusub oo wax ku soo kordhin kara koonka.Inataa waxa dheer hadii xuquuqahaas aynu kor ku sheegnay la tix galiyo lana raaco siday diinteenu jideysay qoysku wixuu noqonayaa mid guulaysta.

W/Q Khalid Mahad Osman

Hargeysa Somaliland