Guurku Waa Heshiis U Dhexeeya Nin iyo Gabadh (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Guurku Waa Heshiis U Dhexeeya Nin iyo Gabadh (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte”)

Bulsho kasta oo koonkan korkiisa ku uummanni , in ay sii jirto waxa go’aamiya Ilaahay (SWT) wuxuuna usoo rogey hab is calmasho oo ka dhexeeya lab iyo dhedig ,hal nin iyo gabdh , ama gabdho dhowr ah iyo hal nin (afar haween ah ayuu guursan karaa ninku marka uu buuxiyo shuruudaha ay diinta Islaamku farayso “Suuradda Afraad”Nisā” ayaaddeeda saddexaad 4:3” )

Dhab ahaantii , guurku wuxuu soo jirey intii aadamuhu uu jireyba , laakiin way jiraan isbeddelo badan oo ku yimid hanaanka is calmashada ee ay ruux nin ah iyo ruux haweenay ahi isu calmadaan . Si lamid ah sidaas adduunka oo dhan marka la eego haddi ay tahay dhanka dhaqamada , qaaradaha , mabaadii’da iyo ilbaxnimada waa lagu kala duwan yahay hanaanka uu u dhaco guurku iyo habraaca loo maro .

Hase ahaatee , saddex nuxur ayaa ku duugan marka aynu maqalno ereyga “Guur” marka koowaad wuxuu yahay dariiqa sharciga ah ee lagu dhiso unug bulsheedka qadiimiga ah ee loo yaqaano qoyska, oo waxa aan meesha ka maqanayn filashooyinkii (ninkana maxaa laga fileyaa , gabdhana maxaa laga fileyaa ) iyo sidii loo joogteyn lahaa xidhiidhka bilowga ah , marna waa caado soo jireen ah oo loo shaacinayo unug bulsheedkaas dhidibbada loo taageyo waxaana la sameeyaa xafladdo kala jaad jaad ah , marka kalena waa hanaan isku xidhiidhsan oo leh wejiyo iyo marxallado kala duwan , wuxuuna leeyahay meel uu ku dhammaado oo ah dhimasho iyo furniin midkood.

Halkaas waxa aad ka dareemi kartaa ama kaaga dhadhamaya in guurku uu leeyahay macnoyaal badan oo is-dhex barkan , balse waxa laysla fahamayaa in uu yahay midowga ay nin iyo gabdhi ku midoobayaan nolosha oo leh caadoyin iyo shuruuc loo maro oo ay bulshadu isla aqbalsan tahay isla markaana aan khilaafaynin dhaqanka iyo diinta bulshada midkoodna .

Tusaale, diinta Islaamku waxay jideysay hanaan sharci ku dhisan oo ninka iyo gabadhu ay ku midoobayaan tiiyoo ay jiraan tiirar aas-aasi u ah oo aanu la aantood guurku ansaxaynin oo ay ku jiraan geyitaanka , ashahaadda, qaangaadhnimada , xaaladda caafimaad, isku qanacsanaanta labada shaqsi ee doonaya in ay midoobaan iyo sidoo kale ogolaanshaha waalidkood oo aan meesha ka maqnayn mudnaan gaar ahna leh.

Si lamid ah sidaas , adduunka oo dhan diimaha ayaa go’aamiya sida uu guurku u dhacayo , waxaana u dhexeeya farqiyo kala gedisan sida ay u jideeyaan ansaxsanaanta guurka iyo shuruudaha ku xidhan. Si kastaba ha ahaatee , guurku waa nas Ilaahay u soo rogey addoomihiisa si ay tafsiir isaga reebaan dharaaraha yar ee ay dunida korkeeda joogaan.
Diinta Islaamku waxa ay inoo sheegtay geyaanka ama dadka guurku dhex mari karo. Intaas waxa dheer , tiiyoo aynu sheegnay in lagu kala duwan yahay hannaanka guurku u dhacayo haddana waxa jira laba xeer-dhaqameed oo bulshooyinka Eeshiyaanku ku dhaqmaan.
1. Xeerka Dhaqameedka koowaad, waa marka qofku qabiilka, dabaqada, ama qoomiyadda uu yahay oo keli ah uu ka guursan karo , kiiyoo aan guursan karin qof isaga ama iyada ka qabiil duwan, dabaqad duwan ama qoomiyad duwan . Tusaale , Sucuudiga oo kale qoys walba waxa la isu guuriyaa sida ay isugu qoyska ama qabiilka yihiin. Si aan aad uga fogeyn sidan , haddii inanta reer Soomalilaan u dhalatay ay guursato nin u dhashay waddan kale sidaas ayay ku waayeysaa dhalashadeedii (XL22/2000:qodobka sagaalaad, farqadiisa labaad )
2. Xeerka Dhamqameedka labaad waa marka aannu qofku geyin qof kasta oo ay wadaagaan xidhiidh dhiig ahaaneed ama qof ay isku qoys hoose yihiin. Xeerkan waxa laga isticmaala Hindiya.
Soomliadu Sidee Ayay Isu Guursataa ?
Guurka Soomalidu wuxuu ku salaysan yahay diinta Isaamka tiiyo la buuxineyo dhammaan shuruudaha la’ina farayo . Hase yeeshee , way jiraan caado dhaqameedyo ay soomaliadu la wadaagto dadyowga kale ee adduunka iyo kuwo ay kaga duwan tahayba. Ugu horeyn , guurka Soomalidu wuxuu u dhacaa hababkan marka la joogo wakhti xaadirkan aynnu hadda ku suganahay,
1. Geed-fadhiisiga oo lagaga dhaqmo miyi iyo magaaloba meel kasta oo ay Soomaliyi ku sugan tahay , habkani waa hab kamid ah hanaanada guurka wuxuuna ku salaysan yahay iska raali ahaanshaha ugu bababan ee ninka iyo gabadha iyo waalidka ,tiiyoo kharashaadka guurka ku baxayaa uu ka yimaado xaga ninka , haba kala gedissanaato habka loo bixiyo kharashaadka , haddii dahab la kala qaadanayo , lacag , hub ama xoolo nool. Kharashaadkan guurka waxaa ku jira dhammaan kharashaadka la xidhiidha guurka sida gebaatiga, ducada (yaradka ) iyo meherka iyo qalabaynta guriga.
2. Bixinta oo ah hab erray bixin ahaan la isku khaldo geed-fadhiisiga maxaa yeelay geed-fadhiisiga ayaa ah kan aynu bixinta u naqaano , balse bixintu waa marka aan wax-xidhiidh sheeko ahaaneed ahi ka dhexaynin ninka iyo gabadha , isla markaana aabahu uu bixiyo inantiisa kiiyoo siinaya qof aanay inantu calmanin isla markaana xidhiidh hore ka dhexaynin . Habkan dadka qaar waxay u yaqaanaan , Duco iyo Habaar oo aabuhu intuu inanta u yimaaddo ayuun buu ku yidhaahdaa “ aabo duco iyo habaar kala dooro “ oo ah anaa kuu doorey.
3. La Tegis , habkan ayaa ah hab soo jireen ah marka la eego dhaqanka Somailda wuxuuna ka dhacaa goobagha ka baxsan magaalooyinka waaweyn , sidoo kale tiiyoo aan gabadha waalidkeed ogolaansho laga haysanin ayuu ninku la baxsadaa gabadha isla markaana ka dib ayaa la soo ogeysiiyaa waalidkeed in inantoodii lagala baxsaday waxaana loo sheegaa in ay keliya isugu soo duceeyaan,laakiin markan uu la baxsanato gabdha ayaa ninka ku ogol oo ma jiro wax qasab ahi , intaas waxa dheer , qabiillada qaarkood marka inanta lagala baxsado way ka daba tagaan , halka qabiillada qaar-kood ay ka reebantahay in la iskaga dabo yimaaddo inanta lala baxsaday , haddii layskaga daba yimaaddo waxaa ka dhalan kara Xaal ama ganaax dhaqameed.
Si ka duwan sidaas , way jireer habab kale oo uu guurku dhaco Soomalida dhexdeedu balse waxa saamayn ku yeeshay fahanka aynu diinta u yeelanay iyo isku-furanka adduunka , waxaana guurarka dabar go’ay ka mid ah godob reebka, dhabar-garaaca , heerinka , xigsiisanka , dumaasha iyo masaafada IWM.
Haddaba, inagoo ka eegayna dhaqanka Soomalida guurka iyo iscalmashada ka dib ,ninka ayaa laga rabaa in uu meeleeyo shay kasta oo lagama maarmaan u ah dhisuda iyo joogteynta qoyska ,sidoo kale masuuliyad dhammaystiran ayaa ninka ka saaran gabadha ,waxaana looga baahanyahay in uu u daryeelo sida ugu meeqaamka sareysa ee la awoodo .
Guntii iyo gebo-gebadii , dhaqanka , diinta , aqoonta , dhaqaalaha, siyaasadda iyo deegaanka intuba saamayn aad u balaadhan ayay ku leeyihiin hannaanka qabsoomida guurka . Ma jiro xilli xaadirkan guur aan marin sifooyinka shrciga Islaamku jideeyay oo ka qabsooma deegaannada Somaalilaan.
Soo jeedin
In lamaane kasta oo doonaya in ay nolosha ku midoobaan ay yihiin kuwo hadafka iyo himilada ay nolosha ka leeyhiiin ay iksu dhow-dhow dahay. Tani waxa ay ka hor tegaysaa in goordhow ay iisla meeraystaan.
In uu guurku noqdo mid ka madhan khiyaamo maskaxeed ama hantiyeed ama waxa loo yaqaano beenku xero-gelinta si uu qoysku u noqdo mid sii waara oo karaamadii qoysnimo ku dhisan. Tani waa mid ka mid ah qodoba ugu waaweyn ee keena kala fogamshaha lamaanaha .
In la heli karo dhaqaalihii lagu sii joogtayn lahaa jiritaanka qosyka si looga hor-tago khilaafka ka iman kara.
In dabeecad ahaan labada qof ay noqdaan kuwo dabeecadahoodu is raali gelinayaa ama laba la isu sameeyay oo mar kasta ku faraxsan in ay nosha wadaagaan.
W/Q Khaalid Curaagte