Qarax ayaa ka ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland qof ismiidaamiyay ayaana isku qarxiyay xarunta gobolka horteeda, sida BBC-da uu u sheegay taliyaha Qaybta Booliska Muumin Cabdi. Qaraxaasi waxaa ku geeriyooday Gudoomiyhii Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur , sadax askari iyo qofkii ismiidaamiyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilaya Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. Alshabaab waxay sheegeen inay u haysteen gudoomiyaha la dilay dilka iyo xariga dad badan.

Qaraxa wuxuu ahaa mid is qarxina oo loo malaynayo qofka fuliyay inuu watay mooto bajaaj walxaha qarxa la soo saaray.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.