Todoba kooxood ayaa ilaa hadda u soo baxay wareega siddeed dhamaadka tartanka koobka Copa Del Rey waxaana jira laba kooxood oo hal kulan ku soo kala bixi doona iyada oo haddaba la shaaciyay waqtiga la samaynayo isku aadka Quarter finalka Copa Del Rey.

Afar ka mid ah kooxaha ugu waa wayn Spain ayaa u soo baxay siddeed dhamaadka Copa Del Rey waxayna kala yihiin Barcelona, Real Madrid, Valencia iyo Villarreal halka Sevilla ay soo kala bixi doonaankooxda yar ee Mirandes.

Haddaba goormaa la samaynayaa isku aadka wareega siddeed dhamaadka ee Copa Del Rey?

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa jimaha barri samayn doona isku aadka siddeed dhamaadka Copa Del Rey wuxuuna isku aadku dhici doonaa 3:00 Galabnimo ee waqtiga saacada Geeska Afrika.

Waa Kuwee Kooxaha Isku Aadka Siddeed dhamaadka Copa Del Rey Ka qayb Galayaa?

Waxaa isku aadka copa Del Rey wareegiisa siddeed dhaamadka diyaar ku ah kooxaha kala ah  Athletic Bilbao, Granada, Real Madrid, Real Sociedad, Valencia iyo Villarreal waxaana ku soo biiri doona mid ahaan Sevilla ama kooxda Mirandes.

Goormaa la ciyaari doonaa kulamada Sideed dhamaadka Copa Del Rey?

 

Kulamada siddeed dhamaadka Copa Del Rey waxaa la ciyaari doonaa maalmaha Talaadada, Arbacada iyo Khamiista ee Fabruary 4,5 &6 waxaana isla Jimcaha February 7 la samayn doonaa isku aadka afar dhamaadka Copa Del Rey.

Kulamada siddeed dhamaadka Copa Del Rey waxaa loo ciyaari doonaa si aan marti iyo minan ahayn waana min hal kulan oo kaliya oo si toos ah loogu soo kala bixi doono.