Hargeysa (Dhexnimo):- Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan caadi aheyn oo ay ku cod ugu qaadayeen labada xubnood ee xibiyada mucaaridka u matalaya kominshanka doorashooyinka .
Xildhibaanada oo gooni gooni ugu codeeyey laba xubnood ayaa diiday labada xubnood ba waxaana xubinta xisbiga Waddani ogolaadey 31 xildhibaan , halka xubinta xisbiga UCID na ay ogolaadeen 29 xildhibaan .
Xubin kasta oo kominshan waxaa looga baahan yahay oo ay ku ansaxeysaa ugu yaraan 41 xildhibaan , sidaas-na waxaan ku ansixin labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka