Gantaalada Israel ku garaacday Syria ayaa dilay ugu yaraan lix dagaalyahan oo Iran taageerto jimcihi Maanta

Dadka dhintay dhammaantood waxay ahaayeen ajaaniib ka barbar dagaallamayay ciidamada madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya.

Gantaalaha oo laga soo ganay hawada Lubnaan ayaa ku dhacay fadhiisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ay taageerto Iran oo ku yaal degmada Masyaf ee gobolka Hama, madaxa kormeerayaasha Rami Abdul Rahman ayaa sida yidhi

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in aysan ka hadli doonin wararka ay qoreen warbaahinta shisheeye.

Wakaaladda wararka dowladda Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in difaaca cirka ay qabteen gantaallo ay Israa’iil ku garaacday Masyaf.

“Difaacayaga cirka ayaa dhexda ka qabtay gantaalada  Isra’iil ee aaga Masyaf

Waxay tidhi difaaca hawada ayaa garaacay gantaalada “inta badan” ka hor inta aysan gaadhin bartilmaameedkooda. , ”SANA ayaa sidaa werisay.”

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay muuqaalo muujinaya in ay difaac hawada  oo ka jawaabaya weerarka Israa’iil.

Israa’iil ayaa boqolaal duqeyn ka fulisay Suuriya tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee 2011.

Waxay bartilmaameedsatay ciidamada dawladda, xoogagga Iiraan ee isbahaysiga ah iyo dagaalyahanno ka tirsan Xisbullah  Lubnaan.

Cabdiraxmaan Rashiid

Dhexnimo Media Hargeysa

Email: cabdiraxmaan800@gmail.com